Dowlada Maraykanka oo ciidamada Amisom u xilsaartay qeybinta hubkii dhawaan maraykanku siiyay Dowlada Fd Soomaaliya.
Bartamaha(Muqdisho):-Sida uu qoray wargayska Daily Monitor waxaa saraakiil Ciidamada Maraykanka ay u xilsaareen qaar ka mida talisyada Ciidamada AMISOM in ay hub u qeybiyaan Ciidamada Dowlada Fd soomaaliya.
Sargaal magaciisa qariyay oo ka mida Ciidamada Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in ay Talisyada Ciidamada Ogandha iyo Burundi Ee ku sugan Magaalada Muqdisho u xilsaareen qeybinta saanad maraykanka uu siiyay dowlada Fd Soomaaliya.
Sargaalkan ka mida Ciidamada Dowlada Maraykanka ayaa intaasi ku daray in Hubka ay Dowlada Maraykanka siisay Soomaaliya uu ahaa mid la filayo in ay kaga awood roonaato Ciidamada Islaamiyiinta Mucaaradka ah kuwaasi oo halis galiyay jiritaanka Dowladaasi.
Hubka Maraykanka uu siiyay Dowlada Fd Soomaaliya ayaa qaarkiis waxa uu soo gaaray gacanta Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga kuwaasi oo ilaa haatan is weydiinaya Cidda ay siin doonaan saanadda Ciidanka soomaaliya loogu tala galay maadaama Ciidamada Dowlada looga taag iyo tabar roonaaday dagaalada Muqdisho ka socda.
Illaa haatan lama oga qaabka Hubkaasi ay Ciidamada AMISOM u qeybin doonaan maadaama inta badan Magaalada Muqdisho laga hadal haayo in hubkaasi ay la baxsan karaan ciidamada loo dhiibo isloa mar’ahaantaana farta lagu fiiqayo Qatarta hubkaasi in uu u gacan galayo Xoogaga Islaamiga ah.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments