Dowlada Kenya oo gudi raadraaca u saartay shaqaalihii ACF Ee laga afduubtay Mandheera .

Posted on Jul 20 2009 - 6:33am by News Desk
Tweet
Pin It

kenyaBartamaha(Muqdisho):-Dowlada Kenya ayaa magacaawday gudi ka kooban madaxda Sare Ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya iyo wasiiro kuwaasi oo loo xilsaaray sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen sii daynta shaqalaaha Faransiiska Ee u shaqeynayay Haya’adda ACF.
Gudigan ayaa waxa ay yihiin kuwa loo xilsaaray sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen sii daynta shaqaalaha hay’adda ACF ee dhawaan laga soo afduubtay Deegaanka Mandheera Ee Gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Gudiga ayaa waxa loo xilsaaray sidii ay xirriro toos ah ula samayn lahaayeen dadka ku dhaqan gobolada dalka soomaaliya ee la jaarka ah Magaalada Mandheera .

Shaqaalaha la afduubtay ayaa la sheegayaa in ay u kala dhasheen wadamada Maraykanka,Kenya,Zimbawi iyo dalal kale kuwaasi oo dhammaantoodba u shaqeynayay hay’addea Samafalka Dalka Faransiiska Ee ACF.

Waxaa socanaya dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Gudiga loo xilsaaray sii daynta shaqaalaha Faransiiska kuwaasi oo haatan ku sugan Deegaanka Gaarisa islamarkaana dhawaan ay u boqoolayaan Deegaanka Mandheera halkaasi oo la filayo in ay xiriira la sameeyaan kooxaha Afduubayaasha ah.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Â