Bartamaha(Muqdisho):-Dowlada Kenya ayaa Ciidamo aad u fara badan oo kuwa xuduudaha ah shalay ilaa xalay ka soo buuxinaysay xadka ay la wadaagto dalka soomaaliya.
Ciidamada Kenyanka ah ayaa waxaa si xoogan loo soo buuxiyay xadka ay wadaagaan Deegaanada wadooyinka muhiimka leh Ee Soomaaliya iyo Kenya ay iskaga talaabaan halkaasi oo ay ka bilaabeen howlo baaritaanada dadka u soo talaabaya dhanka wadanka Kenya.
Bogita Ongeri oo ah Sargaal u hadlay wasaarada Difaaca Ee Dalka Kenya ayaa sheegay in Kenya ay adkeynayso xadka ay la wadaagto Wadanka Soomaaliya ka dib markii ay sii bateen dhibatooyinka ka dhacayay deegaanada Xaduuda ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya.
Bogita Ongeri ayaa qiray in ay aad u adagtay xakamaynta dhaqdhaqaaqa Xuduuda ay la wadaagaan dalka soomaaliya maadaama shacabka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ay leeyihiin Xiriir aad u weyn oo dhan waliba ah balse ay Kenya ku dadaalayso sidii ay uga nabad-gali lahayd kooxaha afduubyada ka geysta dalkeeda.
Dhaqdhaqaaqyda Militari Ee Dowlada Kenya ay ka wado xiligan xadka ay la wadaagto Dalka Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dhawaan Kooxo afduubayaal ah ay Mandheera ka soo afduubteen tiro shaqaalaha Hay’ad Faransiis ah oo daganayad Deegaanka Mandheera.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.