Dowlada Jarmalka oo taageera militari iyo mid maaliyaded u balan qaaday Dowladahga Soomaaliya iyo Kenya .

Posted on Jul 7 2009 - 7:32am by News Desk
Tweet
Pin It

kolehar

Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Jarmalka Horest Kohler oo la hadlayay wakaalada wararka “DPA” Ee Wadankaasi ayaa waxa uu shegay in dowladiisa ay deeqa xagga maaliyada ah iyo mid xagga miliotariga ah ay siinayso dowladaha Soomaaliya iyo Kenya si ay isaga difaacaan qatarta ku soo wajahan.
Madaxweynaha Jarmalka ayaa sheegay in ay jirto qatar xoogan oo ay calanka u hayaan Islaamiyiinta Soomaaliya kuwaasi oo doonaya in ay xukunka ka tuuraan dowlada Fd Soomaaliya isla mar’ahaantaana ay weeraro la tiigsadaan dowlada dereska la ah dalka soomaaliya.
Dowlada Jarmalka ayaa intaasi raacisay in ay ka baqi qabto weeraradaasi ku wajahan dalalka geeska afrika in ay saameeyaan danaha dowlada Jarmalka ay ku leedahay qaarada afrika iyo wadamada Itoobiya iyo Kenya oo si gaar ah ay farta ugu fiiqday isla markaasina ay ku sheegtay in haatan ay dareemayaan dhaqdhaqaaqyadaasi oo ay wadaan islaamiyiinta soomaaliya ku sugan.

Horest Kohler Madaxweynaha dalka Jarmalkaayaa u balanqaaday taageeradaasi labada dhinac ah in uu u fidin doono dhawaan dowlada Kenya iyo tan Soomaaliya si ay labadaba iskaga kaashadaan la dagaalanka Islaamiyiinta weerarada dardarta ah ku haya xarumaha ay maamusho dowlada Soomaaliya si ay xukunka uga tuuraan.
Hadalkan ka soo baxay dowlada Jarmalka ayaa imaanaya xilli dhammaan quwadaha caalamiga ah ay walaac ka muujinayaan weerarada xukunka looga tuurayo dowlada Soomaaliya kuwaasi oo haatan ka socanaya magaalada Muqdisho oo xiligan laga dareemayo awooda xoogaga Islaamiga ah oo ku faafaya meelo ka mida Muqdisho.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.