Bartamaha(Manila):-Haweenayda Madaxweynaha ka ah dalka Filipin Gloria Arroyo ayaa shaaca ka qaaday in dowladeeda ay Soomaaliya ugu deeqday lacago ay iska aruuriyeen dalalka ku jira Qaramada Midoobe.
Madaxweynaha Filibin ayaa sheegtay in dowladeeda ay soomaaliya ugu deeqday lacago ay iska aruurinayeen wadamada Caalamka si loo dhiso Ciidamada Ammaanka Wadanka Soomaaliya.
Wasaarada Arimaha Dibada Wadanka Filibiin ayaa la sheegay in si rasmi ah ay deeqdooda ugu dhiibeen gudiga deeqda u ururinaya dalka soomaaliya si loo caawiyo dowlada aan tabarta lahayn ee Soomaaliya.
Deeqdan ay Filibin siinayso Soomaaliya una marisay Ururka Qaramada Midoobe ayaa ku soo aadaysa Xilli Xeebaha Soomaaliya lagu hayso ku7 dhawaad 50-Madmaaxe u dhashay wadanka Filibin kuwaasi oo ay madax furasho ka doonayaan Burcad Badeeda Wadanka Soomaaliya.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.