Bartamaha(Bakool):-Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliyta Ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa saaka kala baxay guryahooda dhalinyaro daganayd deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool.
Howlgalo ay sameeyeen Ciidamada Maamuladii Bay iyo Bakool ee dhawaanahan ku sugnaa duleedka Deegaanka Yeed ayaa la xaqiijiyay in ay saaka guryahooda ka kexeesteen dhalinyaro 6-ah kuwaasi oo ay ku Eedeeyeen in ay la shaqeeyaan Alshabaab.
Ciidamada Dowlada ayaa la sheegayaa in ay dhalinyaradaasi ula dhaqaaqeen dhanka duleedka Deegaanka Yeed oo ay fariisin ku leeyihiin iyagoo jirdil xoogan ku waday raggaasi.
Waxgaradka Deegaanka Yeed oo dhawaan halkaasi ka saaray Ciidamada dowlada ayaa waxa ay sheegeen in ay raadraac ku samayn doonaan sababta keentay in Ciidamada dowlada ay dad ka qabsadaan gudaha deegaankaasi.
Waxgaradka Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool iyo Madaxda Ciidamada iyo kuwa Maamulkii Goboladaasi ayaa dhawaan isku qabtay
Ka dib markii ciidamada dowlada ay 2-dhalinyara ah dil ugu geysteen deegaankaasi islamar’ahaanataana ay Ciidamada Itoobiya u gacan galiyeen Ganacsade can ka ahaa Gobolka Bakool.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.