Dagaalo Xalay ka dhacay Degmada Hodon Ee Muqdisho iyo Xaalada Degmadaasi oo saaka dagan.

Posted on Jul 20 2009 - 5:37am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalyahanoBartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo ahaa kuwa aad u xoogan ayaa xalay fiidkii hore waxa ay ka dhaceen qeybo badan oo ka mida Degmada Hodon Ee Muqdisho kuwaasi oo ay bar-bar socdeen madaafiic ku hoobatay xaafado ka mida Magaalada Muqdisho.

Dhawaqa Madaafiicda iyo rasaasta ay iswerdaarsanayaan Ciidamada Dowlada oo gacan ka helaya kuwa Amisom iyo Xoogaga islaamiyiinta Mucaaradka ayaa waxaa laga maqlayay gud ahaan Magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay wadada Dabka,Shaqaalaha iyo Terbuunka halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay isku hor’fadhiyeen Ciidamada dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka.

Ciidamada Amisom ayaa si toos ah dagaalkii xalay uga qeybgalay ka dib markii Xoogaga Islaamiyiinta ay ku dhawaadeen fariisinooda wadada Shaqaalaha iyagoo laga dareemayay Muqdisho rasaasta xoogan oo ay isticmaalaan Ciidamaasi.

Xaalada Deegaanka ayaa saaka ah mid aad u xasiloon iyadoo aanay jirin wax rasaas ah oo halkaasi ka socanaya iyadoo Isbitaalka Madiina Ee Muqdisho saaka oo kaliya la geeyay in ka badan 8-ruux oo ku soo dhaawacmay dagaalkii xalay.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.