Dagaalo Xalay ka dhacay Deegaanka Xoosh Degmada Dharkenley iyo qasaaraha dagaaladaasi oo sii kordhaya.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Â
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo ahaa kuwa aad u qaraar ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay ka dheceen Xaafado ka mida Degmada Dharkenley halkaasi oo in mudda ah ay isku hor’fadhiyeen Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka ah.
Dhawaqa madaafiicda oo ay xigtay rasaas muddo socotay ayaa waxa ay xalay abaara 11:30-Ee habeenimo laga maqlay Xaafadaha Xoosh iyo Kaxda oo ka tirsan degmada Dharkenley.
Dagaalka ayaa waxa uu noqday mid cuslaaday ka dib markii Ciidamada Burundiga Ee Dagan Jaamaca Umada Soomaaliyeed ay bilaabeen in ay madaafiic ku garaacaay Xaafadaha uu dagaalka ka socday gaar ahaan dhanka ay joogeen Islaamiyiinta Mucaaradka.
Inta la ogyahay dagaalka ka dhacay deegaankaasi ayaa waxa uu sababay dhimashada 8-ruux iyo dhaawaca 15-kale kuwaasi oo intooda bgadan ah dad rayid ah oo madaafiicda iyo rasaasta ay ku haleeshay xaafadaha ka samaysan Jiingadaha Ee Deegaanka Kaxda iyo Xoosh.
Gawaarida Gurmadka dag-daga ah ayaa saaka waxa ay halkaasi ka bilaabeen daadgureynta dhaawacyada maadaama xalay ay adkaatay in ay qaadaan dadkaasi wodooyinka laga soo ngalo deegaanka oo ah kuwa xiran habeenimadii oo idil.
Dadka dhaawacyada ay soo gaareen qaarkood ayaa u geeriyooday ka dib markii ay waayeen cid uga gargaarta dhaawaca soo gaaray dagaalka oo waqtigiisu dheeraaday iyo wadooyinka oo Ciidamada dowlada iyo Kuwa Amisom ay xerteen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments