Dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda Fd Soomaaliya iyo Kooxda Al-Shabaab oo saaka ka qarxay deegaanka Gal-galato Ee Duleedka Bari Magaalada Muqdisho.

Posted on Jun 16 2009 - 9:16am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaalkaBartamaha(Muqdisho):-Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii Kooxda Alshabaab ay weerar ku qaadeen fariisino Ciidamada Dowlada ay ku lahaayeen inta u dhexeysa Muqdisho iyo Deegaanka Ceel-Macaan halkaasi oo uu dagaal la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan uu ka dhacay.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaanka Gal-Galato ilaa deegaanka Gubadley halkaasi oo ay ku xooganaayeen Ciidamada Maxkamadaha dowlada raacsan kuwaasi oo si weyn isaga caabiyay kooxaha weerarka soo qaaday oo ahaa Alshabaab.

Sheekh Cali Maxmuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo ah afhayeenka Alshabaab ayaa saxaafada la hadlay xilli dagaalka uu ka socday Deegaanka Gal-Galato iyo gobo ku xeeran isagoo sheegtay in gabi ahaanba ay ka guuleesteen Ciidamadii ay ku weerareen fariisinkooda Deegaanada dhaca wadada Xeebta Bari Ee Muqdisho.

Wadaadka Afhayeenka u ah Kooxda Alshabaab ayaa sheegay in ay dhankooda weerarka qaadeen si uu sheegay ay uga sifeeyaan Wadadaasi kooxo dhibaata ku hayay dadka deegaanadaasi iyo Socotada ku safarta wadada Xeebta dhacda ee Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in ay kooxdooda Alshabaab ay ku guuleesteen gacan ku haynta deegaankaasi in ay la wareegaan isagoo tilmaamay in deegaanada Gal-Galato,Gubadley,Ceel Cadde ilaa dhanka deegaanka Karaan wadada aada ay haatan ku suganyihiin Ciidamada Mujaahidiinta Alshabaab.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada la weeraray ee Maxkamadaha Islaamiga dowlada ku biiray kuwaasi oo Ciidamadooda ay haatan ku suganyihiin deegaano aan ka fogayn goobta lagaga awooda roonaaday ee wadada dheere ee isku xerya Kaaraan ilaa Ceel Macaan.

Xafiiska  Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia