Bartamaha(Muqdsiho):-Dagaaladan ayaa waxa ay dib uga bilowdeen Xaafadaha Alshareeca,Mirinaayada iyo Isgoyska Karaan oo dhammaan Degmada Kaaraan ka mida iyadoo la maqlayay Madaafiic ku hoobanaysay Xaafadahaasi Dagaalada ay ka dhacayeen.
Dhawaqa Madaafiicda iyo raasaasta nuucyadeeda ayaa mar qura laga maqlay aaga dagaalka Ee Degmada Kaaraan halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay isku hor’fadhiyeen Ciidamada Dowlada Fd iyo Xoogaga ka soo horjeeda xilli labadii cisho aynu ka soo gudubnay uu jawiga ahaa mid yara dagan.
Dagaalka ayaa qarxay aroornimadii hore Ee Saaka iyadoo dhammaan deegaanada Degmada Kaaraan ay ku dhacayeen Madaafiic inteeda badan ka soo dhacaysay dhanka Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya .
Dagaalka ayaa noqday mid daba dheeraaday oo ay ku sii biirayeen saacad waliba dhinacyo horleh oo kaabaya labada koox ee dhufaysyada kala xertay oo maalmihii la soo dhaafay rasaasta teelteelka ah is dhaafsanayay waxaana dagaalka uu socday illaa barqanimadii maanta oo xoogga dagaalka uu soo gaaray.
Â
Lama oga qasaaraha uu sababay iska hor’imaadka maanta dib uga qarxay xaafada ka mida Degmada Kaaraan balse waxaa la sgeegayaa in madaafiicda lagu garaacay xaafadaha Arjantiin,Alshareeca iyo Karaan ay sababeen dhimashada illaa 3-ruux oo mid ka mida madaafiicda uu ku dulhabsaday xilli ay ku sugnaayeen xaafadahaasi oo ka mid Degmada Kaaraan Ee Muqdisho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.