Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii weerar aad u xoogan oo caawa  lagu qaaday fariisimada Ciidamada AMISOM Ee Isgoyska KM4 iyo Wadada Shaqaalaha Ee Muqdisho halkaasi oo rasaas ay madaafiic la socdaan caawa ka socanayso.
Dagaalkan ayaa ah mid aad u xoogan iyadoo ay socdaan rasaas aad u culus oo ay isdhaafsanayaan Ciidamada AMISOM iyo Xoogaga ka soo hor’jeeda oo weerar aad u balaaran ku qaaday wadooyinka ay ka daganyihiin Ciidmada Amisom Isgoyska KM4 Ee Muqdisho.
Abaara 9-Fiidnimo ayaa waxaa marqura rasaas culus laga maqlay Deegaanka KM4 iyo Wadada shaqaalaha Ee Degmada Hodon halkaasi oo caawa weeraro lagu qaaday islamarkaana ay socanayso rasaasta muddo ka badan 2-Saacadood.
Dagaalka ayaa waxaa bar-bar socda Madaafiic nuucyadeeda kala duwan taasi oo ku dhacaysa Xaafado ka baxsan Goobaha dagaalka sida Suuqa Bakaaraha,Suuq Bacaad iyo Deegaano kale oo intaba ka baxsan goobaha Colaada iyo iska hor’imaadka uu ka socanayo.
Wixii warar ah Ee ku soo kordha dagaalada Caawa ka socanaya Deegaano ka mida Muqdisho kala soco Xafiiska Wararka Bartamaha Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,Muqdisho .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia