Dagaaladii Maanta Dowlada Fd guulaha ka sheegatay oo dhufaysyadii maanta qabsaday ay caawa jiifsanayaan Islaamiyiinta Mucaaradka.

Posted on Jul 12 2009 - 6:42pm by News Desk
Tweet
Pin It

SOMALIABartamaha(Muqdisho):-Dagaaladii qaraaraa Ee Maanta dowlada Fd Soomaaliya ay guulaha ka sheegatay ayaa waxa uu noqday mid fashil ku dhamaaday ka dib markii inta badan goobihii hore ay Xoogaga Mucaaradka caawa jiifsanayaan.

Dagaalada maanta ka dhacay Degmooyinka Kaaraan,Shibis,Boondheere,C/Casiis iyo Yaaqshiid ayaa ahaa kuwa ay si xoogan guula oga gaareen Ciidamada Dowlada oo gacan aan qarsoonayn ka helayay kuwa Amisom iyadoo ay gabi ahaanba gacantooda ku soo celiyeen Degmooyinka Karan,C/Casiis,Shibis,Boondheere iyo qeyb ka mida Yaaqshiid.

Dagaalka ayaa waxa uu intiisa badan gaabis noqday duhurnimadii Maanta xilligaasi oo ay socdeen duqeymo Taangiyada Ciidamada Amisom ay u geysanayeen xaafdo ka baxsan goobaha dagaalka iyo fariisino hore ay Islaamiyiinta u joogeen.

Ciidamada Amisom oo dagaalka xoogiisa maanta ku lug-lahaa ayaa la xaqiijiyay in Taangiyadooda iyo gawaariga Tawyada ah ay kala soo bexeen dagaalka abaara 2-duhurnimo xiliga Muqdisho.

Ka dib markii Ciidamadaasi ay soo baneeyeen aagaga dagaalka ee deegaanada Sii-Sii iyo dhanka Kaydsanay ka dib dagaalo in mudda ah halkaasi ka socday ayaa waxaa la xaqiijiyay in dagaalada ay sii kordheen iyadoo gabi ahaanba Ciidamada Dowlada laga soo saaray Degmada Yaaqshiid goobihii ay ka qabsadeen.

Dhanka Deegaanada Kaaraan ayaa waxaa la sheegayaa in ay dib ula wareegeen Ciidamada Kooxda Alshabaab kuwaasi oo dagaal ba’an ku soo qaaday halkaasi ka dibna cvaawa ay jiifsanayaan Xarunta Degmada Kaaraan isgoyska Kaaraan iyo agagaarka Deegaanka Mirinaaya.

Deegaanka Sanca,4-Jardiino,Siinaay,Frolensa,Aadn Caddea Howlwadaag iyo isgoyska Bakaaraha ayaa dhammaan waxaa wadadaasi ku tixan Ciidamada Islaamiyiinta Mucaaradka oo iskaashana kuwaasi oo dhanka isgoysyada ku dhow bakaaraha ka xega dhanka Xarunta Villa Soomaaliya.

Hadba dagaalka maanta madaxda dowlada oo madaxweynaha ugu sareeyo ay guulaha ka sheegteen oo caawana halkii uu ka bilowday ku soo laabtay ayaa la isweydiinayaa tabarta Ciidamada dowlada ma mid Amisom weligeed la jiraysaa???

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia