Dagaal qaraar oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka oo xalay saqdii dhexe ka dhacay Wadada Sayidka Ee Muqdisho.

Posted on Jul 19 2009 - 7:23am by News Desk
Tweet
Pin It

dagaallkaBartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan oo bilowday Xalay saqdii dhexe ayaa waxa ay labada dhinac isku adeegsadeen rasaasta nuucyadeeda kala duwan taasi oo sababtay in dadka dagan Deegaanada Wardhiigley iyo Howl-wadaag ay soo toosaan.

Dhawaqa rasaasta iyo madaafiidca labada dhinac ay isdhaafsanayeen ayaa laga maqlayay dhammaan degmooyinka G/Banaadir iyadoo ay jireen madaafiic ku dhacaysay xaafado ka mida Degmooyinka Muqdisho.

Isku dhaca labada ciidan ayaa la sheegayaa in uu ka danbeeyay ka dib markii Ciidamada dowlada ay bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo ay ku doonayeen in ay ku nsoo dhaafaan Barxada dhismihii Daraawiishta halkaasi oo uu ku ekaa dhufayskii ay ku sugnaayeen.

Inta la ogyahay waxaa saaka isbitaalada Muqdisho la geeyay 7-ruux oo dhaawac ah kuwaasi oo madaafiicda iyo rasaasta xalay saqdii dhexe la isdhaafsanayay ay ugu tagtay guryahooda xaafadaha lagu dagaalamayay.

Inta badan dagaalada xiliyada Habeenkii ka dhaca Magaalada Muqdisho ayaa waxaa adkaata in dadka dhaawacyada ay soo gaaraan la geeyo goobaha Caafimaadka maadaama dhammaan wadooyinka Muqdisho ay noqdeen kuwa u kala xeran Ciidamada dowlada iyo Xoogaga Mucaaradka.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.