Dagaal qaraar oo ay duqeyn ba’an ka danbeysay ayaa galabta ka qarxay xaafado ka mida Degmooyinka Woqooyiga Muqdisho.

Posted on Jul 7 2009 - 6:08pm by News Desk
Tweet
Pin It

duqeynBartamaha(Muqdisho):-Dagaaladan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa waxa ay galabta dib uga bilowdeen xaafado ka mida Degmooyinka Shibis iyo C/Casiis halkaasi oo dhawaanahay ay isku hor’fadhiyeen labada ciidan.

Dagaalka ayaa in mudda ah socday iyadoo xiligii uu xoogaystay ka dib uu bilaabatay Duqeyn ba’an taasi oo loo gaystay deegaano ka baxsan goobaha dagaalada ay ka socdeen agaar ahaa Degmada Yaaqshiid oo inta badan dagaalka uu ka soo gudbay.

Duqeynta galabta ayaa waxa ay ku hoobanaysay xaafadaha Suuq Bacad,Sanca,Markalyooni deegaanadaasi oo ka kala tirsan Yaaqshiid Iyo shibis Ee Muqdisho halkaasi oo dhawaanahan ay ka dhacayeen dagaalo balse inta badan dagaalada ay goobahaasi haatan ka madaxbanaanyihiin isla mar’ahantaana uu dagaalka ka socdo xaafadaha hoose Ee shibis.

Inta la ogyahay madaafiicdii galabta ayaa waxaa dhaawac ka so gaaray ilaa 12-ruux oo dhaawacyadooda la dhigay isbitaalada Muqdisho iyadoo ay dhaawacyadaasi badanaa ay qaadeen gawaarida gurmadka dag-daga ah Ee Amblasc loo yaqaano.

Inta badan lama ogaan karo qasaaraha kala gaarayo labada dhinac ee dagaalka isaga soo horjeedo kuwaasu oo badankood ku dagaalama gobaha shacabka ay ku dhowyihiin taasi oo waxyeelada u badisa shacabka soomaaliyeed Ee dhibaatada haysato.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia