Dagaal aan sidaa u xoog badnayn ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Xaafado ka mida Degmada Hodon Ee Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Dagaalkan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada iyo xoogaga ka soo horjeeda ayaa waxa uu ka dhacay xaafado ka mida Degmada Hodon taasi oo sabab ka dhigtay in Ciidamada Amisom ay madaafiic meelo ka baxsan dagaalka ku garaacaan.
Dagaalka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadaha Taleex iyo Siigaale Ee Degmada Hodon halkaasi oo fariisina ay ku leeyihiin ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom iyadoo muddo ay rasaas isdhaafsanayeen labada dhinac.
Iska hor’imaadka oo ahaa mid muddo kooban ka socday xaafadahaasi ka mida Degmada Hodon ayaa waxaa uu sababay dhimashada 1-ruux iyo dhaawaca 4-kale oo rayid ah kuwaasi oo loola cararay isbitaalada Muqdisho.
Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh wadada Shaqaalaha ayaa bilaabay in ay madaafiic ku garaacaan Xaafaha ka baxsan goobta dagaalka kooban uu ka dhacay Ee Deegaanada Siigaale iyo Taleex.
Goobaha ay madaafiicda ku garaaceen ayaa waxaa ka mida Xaafadaha KPP,Albaraka iyo Siigaale halkaasi oo dadkii daganaa badankood ay isaga barabexeen maadaama ay goobtaasi noqotay meel lagu hardamo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments