Calendar

Cumar Xaashi Aadan Wasiirka Amniga Dowlada Fd Soomaaliya oo Maanta U dhaqaqay Dhanka wadanka Itoobiya.

wasiirkaBartamaha(Muqdisho):- Cumar Xaashi Aadan Wasiirka Amniga Dowlada Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada B/Weyne ayaa galinkii danbe ee manta u boqoolay dhanka wadanka Itoobiya.

Wasiirka Amniga Dowlada Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan ayaa safarka manta uu ugu dhaqaaqay dhanka Itoobiya ayaa ahaa mid aan hore loo sii qorshaynin iyadoo la shaaciyay in isagoo wata gaadiid dagaal uu galabta u dhaqaaqay gudaha itoobiya.

Cumar Xaashi Aadan ayaa dhawaanahan waday abaabul dagaal uu kaga hortagayo xoogaga Mucaaradka oo dhanka Gobolka Hiiraan dhaqdhaqaaqyo ka sameeyay dhawaan kuwaasi oo uu hanjabaad u mariyay warbaahinta.

Safarka Masuulka ayaa ahaa mid dag-dag ah wallow aanay jirin wax masuuliyiintii gobolkaasi la soo gaartay oo safarka manta ku wehlisay iyadoo dhawaanahan uu B/Weyne ka waday qorista Ciidamo ammaanka Gobolka Hiiraan loo xilsaaray.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed Bartamah.Com ,

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: