Cudurka Shuban Biyoodka ayaa ka bilowday Deegaanka Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayadoo wararka ay sheegayaan in ilaa 3 qofood ay ugu geeriyoodeen saacadihii lasoo dhaafay halka 70 kalena lagu soo waramayo in ay u jiifaan goobaha Caafimaad ee deegaankaasi Ceelwaaq.
Wararka laga helayo Deegaanka Ceelwaaq ee gobolkaasi Gedo ayaa sheegaya in ay jiraan xaalado aad u adage ee haysta dadka ku dhaqan Deegaanadaasi, ayadoo ay sidoo kale gobolka ka jiraan xaalado abaareed oo aad u qalafsan islamarkaasina aysan jirin wax roobab ah oo ka da’ay Deegaanadaasi.
Ma jiraan cid gacan siineysa dadkaan ay heysato xaalada abaareed ee aadka u qalafsan iyo Cudurkaasi shuban biyoodka oo hada ka dilaacay deegaanadaasi, mana jiraan dawooyin ku filan dadkaasi sida ay wararku sheegayaan.
Waxaana arintani ay kusoo beegantay xilli ay maamullada Islaamiga ah ee gacanta ku haya gobolkaasi gedo ay dhawaan amar ku bixiyeen in ay isaga baxaan gobolkaasi hay’adaha gargaarka, kuwaasi oo ka howlgali jiray Deegaano badan oo kamid ah gobolka gedo.
Sikastaba ha ahaatee arintaan laga soo sheegayo Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa kusoo beegmaya xilli wararka laga helayo gobolkaasi ay sheegayaan in laga cabsi qabo in ay gobolkaasi dagaalo ka qarxaan kadib markii maalmihii ugu danbeeyay ay jireen abaabullo ciidan oo la sheegay in ay ka soconayaan Deegaanka Doolow ee gobolkaasi Gedo.
Kala soco warar xaqiiq ah www.Bartamaha.com
Kismayo – Somalia.