read more »">
Calendar

Coca-cola oo ku deeqday 1.4-Million oo dollar Abaaraha ka jirra Kenya, Ethiopia iyo Somalia‪‪‪‬‬‬

2Nairobi (www.Bartamaha.com):- Xarumaha Shirkadda Coca-Cola ay ku lee dahay bariga iyo galbeedka Africa ayaa ku dhaawaqay in ay bixin doonaan 1.4-milion oo dollar taa oo loogu talla galay in lagu caawiyo in ka badan 12-Million oo qof oo ku nool wadamadda Soomaaliya Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti.

Laanta Coca-Cola ee dalka Ghana kaliya ayaa hurtay 100,000 oo doollar.

Sida laga soo xigtay xafiiska isku xirka QM ee arrimaha bini’aadinimadda ee loo soo gaabiyo (OCHA) ayaa sheegay xaaladda ilaa 2012-ka in la fili karo in ay sidan ay sii ahaato.

Wadamadda Africa ayaa lagu dhaliilay sidda ay uga jawaabeen wax ka qabashadda abaaraha geeska Africa. dhawaan shir ay ku yeesheen hogaamiyaasha Africa magaaladda Addis Ababa waxa ay ku guul dareesteen in ay gaarsiiyaan lacagaha ay ku bixinayaan abaaraha ilaa 500,000 oo dollar.

Coca-Cola, Xatumaha ay ku lee dahay Bariga iyo Galbeedka East Africa waxa ay xarunteeda weyn ku taala magaaladda Nairobi ee dalka Kenya waxana adeegeeda ay gaarsiisaa in ka badan 39-wadan.

W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: