Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Soomaaliya ayaa maanta dhac iyo baarasho bareer ah u geystay gawaari maraysay qeybo ka mida degmada Xamar Jajab Ee Muqdisho.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamadan oo la sheegayo in ay ka tirsanaayeen kuwa Dowlada Fd Soomaali ayaa barqanimadii maanta waxa ay baarasho kula dhaqaaqeen qaar ka mida gawaarida BL-ka ah ee ka shaqeya inta u dhexeysa KM.4 iyo X/Weyne Â
Ciidamadan dowlada ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay gawaari ad u fara badan ay ku baarteen wadada Ansalooti gaar ahaan inta u dhexeysa Labada Buundo halkaaso oo jihooyin badan ay ka soo galeen deegaankaasi ka dibna ay baarteen in ka badan 10-gaari oo nuuca Bl-ka ah.
Ma jirin cid wax ka qadatay Ciidamadaasi Dowlada Fd Soomaaliya ee manta sida qorsheysay dhacca iyo baarashada ugu geestay Gawaarida ay saaranyihiin dadka rakaabka ah kuwaasi oo ay ka qaateen agabyo kala duwan.
Inta la ogyahay gawaarida Ciidamada ay baarteen ayaa waxa ay ka qaateen agabyo kala duwan sida Mobilo iyo Lacago oo ay ku shubanayeen Baco aad moodo in ay ugu tala galeen.
Xarumaha Otto-Otto,Saldhiga Waabari,Saldhiga X/Jajab,iyo xarumo kale oo ay ciidamada bara ku leeyihiin ayaa wadada maanta ay ciidamada soo hujuumeen dhaca iyo baarashadana ka geeteen ka agdhow iyadoo aanay jirin cid u samafashay dhibanayaasha hantidooda manta ku waayay wadooyinka Degmada X/Jajab.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments