Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo gaaray deegaanka Ceel-Gaal Ee Duleedka B/Weyne .
Bartamaha(Hiiraan):-Cutubyo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ayaa xalay ilaa saaka soo buuxiyay Deegaanka Ceel-gaal oo wax ka yar 10KM u jira Magaalada Baladweyne.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo wata gaadiidka dagaalka ayaa waxa ay soo gaareen Deegaanka Ceel-gaal ka dib markii ay ka soo dhaqaaqeen dhanka Kalabayr oo ay shalay soo gaareen.
Dhaqdhaqaaqyo xoogan ayaa la sheegayaa in ay halkaasi ka wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah iyadoo la sheegayo in ay wadaan Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya OO xiriira la samaynaya askarta dowlada Eek u sugan gudaha B/weyne.
Warara lagu kalsoonyahay oo soo gaaraya Xafiiska www.Bartamaha.Com ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ah ay gaarayaan dhanka Galbeedka Baladweyne halkaasi oo ay saaka la wareegeen Ciidamada dowlada Soomaaliya.
Gawaarida Ciidamada Itoobiyaanka ay wataan ayaa la sheegayaa in ay u soo jeedaan dhanka Magaalada Baladweyne sida ay soo arkeen dad safar ahaan u soo maray Ceelgaal .
Hadaba wixii warar ah Ee Ku soo kordha dhanka Deegaanka Ceel-Gaal Iyo Ciidamada Itoobiyaanka ah kala soco www.Bartamaha.Com
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Â
Comments
comments