Ciidamo Ethiopian oo alshabaab awood uga saaray Degmada Ceel Barde Ee Gobolka Bakool.
Bartamaha(Ceel-Barde):-Ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa Dowlada oo la socday ayaa gaaray Degmada Ceel Barde Ee Gobolka Bakool halkaasi oo ay ka eryeen Askarta Alshabaab.
Ciidamada Ethiopianka ah ayaa waxa ay yimaadeen shalay gabal dhicii iyadoo halklaasi ay isaga carareen Ciidanka Alshababa oo muddo 10-Maalmood ah ka talinayay Degmada Ceel Barde.
Ciidanka Shabaabka ayaa waxa ay isaga carareen Degmada Ceel Barde iyagoo gaareay duleedka Deegaankaasi si aanay dagaal u dhexmarin iyaga iyo Itoobiyaanka soo galay Ceel Barde.
Ciidamada Ethiopian ah iyo kuwa Dowlada ayaa waxa ay damiyeen dhammaan Isgaarsiintii Deegaankaasi ka shaqeynaysay waxa aynba bilaabeen in ay dad badan ka qabqabtaan gudaha Degmadaasi.
Xaalada Deegaanka ayaa ah mid weli kacsan waxaana laga baqanayaa in dagaal uu ka dhaco degmadaasi maadaama alshabaab ay joogaan duleedka Ceel Barde islamarkaana Itoobiyaanka ay dibada uga soo baxeen Degmadaasi.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments