Bartamaha(Balan-Bal):-Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo watay gaadiidka dagaalka ayaa galabta qorax dhicii soo gaaray Deegaanka Balan-Bale Ee Gobolka Gal-gaduud halkaasi oo dhawaan ay isaga baxeen.
Ciidamadan ayaa galabta mar qura lagu arkay duleedka iyo gudaha Deegaanka Balan bale halkaasi oo ay fariisino ka samaysteen caawa islamar’ahaanataana ay joojiyeen dhaq-dhaqaaqa dadka deegaankaasi.
Dadka deegaanka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Itoobiyaanka ah ay bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ay ku baarayaan xaafadaha ay dageen kuwaasi oo ay si xoogani uga feejiganyihiin goobaha ay dageen in dagaal ay kala kulmaan.
Illaa haatan lama oga sababta rasmiga ah Ee Ciidamadaasi Itoobiyaanka ah ay u soo galeen Deegaanka Balan-bale halkaasi oo muddo 4-todobaad ka hor ah ay halkaasi isaga guureen iyadoo aanay jirin cid ka hortmid xiligii ay halkaasi daganaayeen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.