Ciidamada Xizbul Islaam oo howl-galo ka sameeyay wadada isku xerta Wala-weyn iyo Leego Ee Gobolka Sh.hoose.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada ururka Xizbul Islaam ayaa howlgalkan waxa ay ka sameeyeen wadada u dhexeysa deegaanada leego iyo Walaweyn halkaasi oo dadka ku safra wadadaasi si weyn ay uga qeyliyeen kooxo burcad ah kuwaasi oo wadadaasi gaadiidka u gala.
Â
Â
Howl-galkan ay sameyeen Ciidamada Xizbul Islaam oo shalay ilaa xalay ka socday wadada ayaa la xaqiijiyey in ay ku soo qabteen rag lagu eedeeyay in ay dhibaata ka wadeen wadadaasi kuwaasi oo qaarkood lagu soo qabtay iyagoo haysta hub la sheegay in ay ku dhici jreen dadka socotada ah .
Sargaal u hadlay Xizbul Islaam Wala-weyn ayaa shegay in kooxahaasi haatan ay soo qabteen dhawaan la horgeyn doono maxkamad si looga abaal mariyo dhibaatada ay u geysan jireen shacabka soomaaliyeed ee isticmaala wadada isku xerta Gobolada Bay iyo Sh.Hoose.
Howlgalkan dadka lagu soo qab-qabtay ayaa imaanaya xilli dhawaanahanba wadada u dhexeysa wala-weyn iyo Leego ay noqotay meel ay ka baqaan gaadiidleyda iyo dadka safarka ah halkaasi oo ay caada ka yeesheen kooxo burcad ah in dadka ay wadadaasi u galaan.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.ComÂ
Â
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments