Ciidamada Itoobiya oo howlgalo baaritaana ah ka sameeyay Deegaanka Kala-Bayr.
Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Itobiya ayaa manta waxa ay si rasmi ah u bilaabeen holw-galo baaritaano ah kuwaasi oo ay gaadiidka ku baarayaan deegaanka Kala-Bayr ee Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa tilmaamaya in deegaanka kala-Bayr ay ciidamamada Itoobiyaanka ah ka wadaan hol;waha baaritaanada ah kuwaasi oo ay ku baarayaan gaadiidka ilaa saddex gobood oo ka fog.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ayaa dhaqdhaqaaqyo la mid ah midka kla socda kala-Bayr waxa ay ka wadaan tuulooyin ku dhow magaalada Beledweyn ee xarunta gobalka Hiiraan iyagoo isku fidiyay buuraha ku teedsan deegaanka Jawiil oo 20 Km u jirta magaalada Beledweyne, lamana garanayo inay halkaasi ku sii sugnaan doonaan iyo inay u soo baqooli doonaan qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Hiiraan, Â
Xaalada gobolkaasi ayaa laga dareemayaa kacsanaan iyadoo gaadiidleyda isku baaqayaan xiliga ay marayaan wadooyinka deegaanada ay itoobiyaanka ku suganyihiin.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments