Bartamaha(Balan-Bale):-Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa Ee Shalay galinkii danbe soo galay Deegaanka Balan-bale ayaa saaka waxa ay halkaasi ka bilaabeen howlo baaritaana ah
Ciidamada ayaa saaka waxa ay si rasmi ah gudaha ugu galeen xaafadaha Deegaankaasi iyagoo bilaabay howlo ay ku baarayan dadka shacabka ah iyo guryaha deegaankaasi Balanbal.
Baaritaanada saaka ayaa waxaa la sheegayaa in ay sidoo kale ka socdaan duleedka deegaankaasi Balanbale halkaasi oo ciidamo ay ka dhigteen fariisinka ugu weyn igaoo gabi ahaanba iska fogeeyay dadkii daganaa duleedka Balbale.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka maamulka Deegaankaasi iyadoo horey ay u soo dhaweeyeen ka bixitaankooda deegaankaasi oo bishan bilowgeedii ay isaga tageen Ciidamadaasi Itoobiyaanka ah.
Imaanshaha askartan iyo howlgalada ay samaynayaan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan dagaalo ay qeybo ka mida Gobolka Galgaduud kuwaasi oo u dhexeeyay Xarakada Alshabaab iyo Ciidamada kooxda Ahlu-Sunnah Wal-Jamaaca.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.