Ciidamada ilaalada xeebaha Yemen oo Burcad Badeeda Soomaaliya ka bad-badiyay markab laga lahaa wadankaasi Yeman.

Posted on Jul 7 2009 - 6:30pm by News Desk
Tweet
Pin It

markab yemeBartamaha(Muqdisho):-

Ciidamada Ilaalada xeebaha wadanka Yemen ayaa maanta ku guuleystay in ay bad-baadiyaan markab laga laha wadankooda iyagoo rasaaseeyay kooxaha soomaalida ah xilli ay ku sugnaayeen marinka Markabkaasi.

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Yaman ayaa la sheegayaa in ay israsaaeyn dhex-martay Ciidamadooda iyo kooxo afduubayaasha Soomaalida ah oo xiligaasi qorshahoodu ahaa afduubka markab salid waday kaasi oo ku soo jeeday dakadaha wadankaasi.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Badda wadanka Yemen ayaa wakaalaha wararka u sheegay in maanta ay dagaal la galeen kooxaha Burcad badeeda soomaalida ah kuwaasi oo uu sheegay in ay isku dayayeen afduubka markab u rarnaa shirkad yameni ah taasi oo ka baayac mushtarta shidaalka iyo saliida qeyriin.

Sargaalkaasi ayaa sheegay in ilaa laba doonyood oo nuuca dheereeya ah u direen markabka afduubayaasha ay doonayeen in ay qafaal ku sameeyaan ka dib markii uu la soo xiriiray kabtanka markabka sarakiisha Ciidamada Badda wadanka Yemen.

Ciidamada Yamen ayaa si rasmi ah ugu guuleystay in ay baacsadaan ragga qorshaha afduubka maanta laga fashiliyay kuwaasi oo u baxsaday xagga xeebaha wadanka Soomaaliya oo markii horeyba ay ka soo qorsheeyeen falka afduubka maraakiibta .

Waa markabkii labaad Ee laga leeyahay wadankaasi Yaman oo Muddo kooban gudaheed laga badbaadiyo koxaha afduubayaasha soomaalida ah kuwaasi oo inta badan baadigob ku sameeya maraakiibta maraysa xeebaha soomaaliya oo aan haysan wax ilaala ah.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.