Calendar

Ciidamada dowladda Fd Soomaaliya oo Maaanta Bur burin Xogan ku sameeyay goobo ganacsi oo ku yaala Agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

CIDAMBartamaha(Muqdisho):-Ciidamadan ka tirsan kuwa dowlada Fd Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howl-galo bur-burin ah ku sameeyeen gobo ganacsi oo ku yaalay hareeraha Xarunta Madxyooyada kuwaasi oo inta badan wax looga iibin jiray Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya  ee aan u jeheysan Karin Suuqyada Muqdisho.

Ciidamo aad u fara badan oo kuwa Militariga Dowlada Fd Soomaaliya ah ayaa manta mar qura ku yaacay Suuq si weyn ay u joogeen Ciidamo kale oo kuwa dowlada ahaa iyo haweenka ka ganacsata Qaadka kuwaasi oo xiligaasi watay howshooda caadiga ahayd.

Haweenka goobtaasi ku sugnaa iyo Ciidamada ka shah cabayay goobaha Buushashka ah isla mar’ahaantaana qaarkood qaad ku cunayay goobta bur-burinta dag-daga ah lagu bilaabay ayaa si weyn uga biya diiday howlgalka .

Ka dib muran baaxad leh oo halkaasi ka dhacay ayaa Ciidamada Dowlada Sarakiishii horkacaysay waxa ay bilaabeen in ay awood adeegsadaan iyadoo rasaas ay circa u ridayeen intiio ay wadeen howlgalka Bur-burinta ah iyadoo ay xereen wadooyinka soo gala goobtaasi Madaxtooyada la jaarka ah.

Howlahan Bur-burinta ah ayaa la xaqiijiyay in Ciidamada Dowlada ay ula jeedeen sugidda Nabad Galyada Xarunta Madaxtooyada oo dhawaan la felayo in wadooyinka Hor’mara xaruntaasi la dajiyo Ciidamada AMISOM si ay ammaanka u adkeeyaan Villa Somalia oo dhinacyada Islaamiyiinta ay ku soo dhawaadeen.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: