Calendar

Ciidamada Dowlada oo Xalay dhac iyo dhaawacyo ka geystay Muqdisho.

Bartamaha(Muqdisho):-Ciidamada Dowlada ee dagan hareeraha Madaxtooyada ayaa xalay falal dhac iyo dhaawacya ah ka geystay Xaafado ka mida Degmada Xamar Weyne.

 

Ciiodamada ayaa waxa ay galeen Xaafadaha Degmada Xamar Weyne halkaasi oo dad badan ay ka qaateen hantidii ay haysteen iyagoo qaar kale dhaawac u geystay.

 

Askarta ayaa waxa ay galeen Xaafado badan oo ka mida Degmada Xamar Weyne iyagoo jabsaday Carwooyin badan oo ku yaala Degmadaasi iyadoo laba dhalinyara ah ay ku dhaawaceen goob ganacsi oo ay ilaala ka ahaayeen.

 

Isku soo duub dhaca iyo dhaawacyada ay Xalay Ciidamada Dowlada ka geysteen Xaafado ka mida Degmada Xamar Weyne ayaa waxa ay ku soo aadaysaa xilli ammaanka guud ee Degmadaasi uu sii xumaanayay dhawaanahan.

 

Lama oga ujeedada dhibaatadaasi ay uga dhacayso shacabka xilli Degmadaasi Xamar Weyne ay ku yaalaan Xarumo badan oo dhanka ammaanka ka shaqeeya kuwaasi oo aan u gurman dadka ay Ciidamada dhibaateeyeen.

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: