Bartamaha (Muqdisho):- Ciidamada dowlada Fd Soomaaliya Ee ku sugan gudha magaalada Baladweyne ayaa bilaabay xalay ilaa saaka in ay dhaqdhaqaaqyo militari ka sameeyaan wadooyinka Magaalada B/weyne iyagoo la arkayay iyagoo watta gaadiidka Dagaalka.
Askarta Dowlada Ee B/weyne ku sugan ayaa la sheegayaa in ay sameysteen fariisino hor leh gudaha Magaalada Baladweyne waxaana saaka lagu arkay markii ugu horeysay xaafada Occtober halkaasi oo ay dhufeysyo ka samaysteen.
Xaalada B/Weyne ayaa u muuqata mid aad u kacsan waxaana wadooyinka laga dareemayaa Ciidamada oo si koox koox u socanaya isla mar’ahaantaana baaritaano ku samaynya gawarida ay ka shakiyaan taasi oo muujinaysa cabsida xoogan Ee ka taagan magaaladaasi.
Ciidamada dowlada ayaa dhanka kale waxa ay gaareen Kaawada Xaafada Buunda weyn halkaasi oo ay geeyeen qaar ka mida gawaaridooda dagaalka xilli maalin ka hor lagu soo weeraray Ciidamadaasi goobta ay Ciidamada cusub dajiyeen.
Dhanka galbeedka Baladweyne ayaa xasiloon iyadoo Xoogaga Xizbul Islaam oo ka arimiya halkaasi aanay dhankooda ka muuqan dhiilada Colaadeed Ee laga dareemayo dhanka Bari Ee Magaaladaasi Baladweyne.
Isku soo duube dhaqdhaqaaqyada Ciidan Ee laga dareemayo Magaalada Baladweyne ayaa u muuqda Mid ciidamada dowlada ay samaysanayaan fariisino ay iskaga difaacaan weeraro kaga imaan kara dhanka kooxaha Mucaaradka kuwaasi oo ku hanjabay in xili waliba ay weerarayaan Ciidamada dowlada .
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.