Ciidamada Badda Wadanka Turkiga oo gacanta ku dhigay Burcad Badeed Soomaali ah.

Posted on Aug 1 2009 - 8:10am by News Desk
Tweet
Pin It

turkian1Bartamaha(Ankara):-Ciidamada Badda Wadanka Turkiga ayaa gacanta ku soo dhiogay kooxo soomaaliya ah oo ay ku Eedeeyeen falal burcad badeednimo ah oo ay ka wadeen xeebaha Wadanka Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa badda  dowlada Turkiga oo qeyb ka ah  gaashaanbuurta NATO ayaa gacanta ku soo dhigay 7-dhalinyaro soomaali ah oo ay ku Eedeeyeen burcadbadeednimo.

Saraakiil u hadashay dowlada Turkiga ayaa waxa ay sheegeen in ay ku guulesyteen qabashada kooxahan Burcada badeeda ah oo ay tilmaameen in ay watteen hubna nuucyadiisa .

Inta badan wadamada ay ciidamada ka joogaan soomaaliya ayaa waxa ay sameeyaan howlgalo ay ku baacsanayaan Burcad badeeda Soomaalida ah taasi oo sabab ka dhigtay in Kaluumaysatada soomaaliyeed Ee Deegaanada Puntland  ay ka quustaan howlahooda kaluumaysiga baqdin ay ka qabaan awoodaha shisheyaha EE Xeebaha soomaaliya soo buuxiyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

 

Â