Ciidamada badda Maraykanka oo ka digay qorshayaal cusub oo ay burcada Badaha Soomaaliya wax ku afduubayaan.
Bartamaha(Muqdisho):-Warbixin ka soo baxday Xarunta ciidamada badda Maraykanka Ee Wadanka Qadar Magaaladiisa Doxa ayaa waxaa shaaca looga qaaday xeelado casri ah oo ay Burcad badeeda soomaaliya ku doonayaan afduubkooda Maraakiibta maraysa Xeebaha Soomaaliya.
Warbixintan ka soo baxday Xarunta Saldhiga Militariga Maraykanka ay ku leeyihiin Doxa ayaa lagu sheegay in kooxaha Afduubayaasha ah ay bilaabeen weeraro xilyada Habeenkii ah kuwaasi oo ay ku ugaarsanayaan maraakiibta waqtiyadaasi socota.
Qoraalkaasi ayaa lagu sheegay in ay xerfado iyo qorshayaal cusub ay la imaadeen raga afduubka ka geesta Xeebaha wadanka soomaaliya iyadoo ay bilaabeen in ay habeenadii leerar la’aan doomaha badda la galaan kuwaasi oo si toos ah meela fog’fog u gaara si ay u helaan maraakiib habow ah.
Ciidamada Badda Ee Wadanka Maraykanka ayaa waxa ay ka digeen howlgaladan cusub ee afduubayaasha ka geysanayaan xeebaha dalka soomaaliya iyo meelaha ka baxsan iyadoo ay qoraalkoda ku xuseen meelo halis ah sida Gacanka Cadmeed oo ay tilmaameen in aanay NATO howlo balaaran ciidamadooda ka heynin.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments