Calendar

Casho Sharaf lagu Taageetayey (United Puntland Diaspora)

dsc_1513
 Xaflad si qurux badan loo soo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Minneapolis, Minnesota. Xafladaas ayaa u jeedadeedu ahayd taageero. Hadaba akhristow waxa laga yaabaa in aad isweydiiso waa maxay taageeridu. Hadii aad la socoto Soomaalida websaatyadeeda waxa isbuucii hore ka dhacay Minnesota xaflad lagu soo bandhigay in lagu dhawaaqo urur ka shaqeeya siyaasad.
 Haddaba, xafladan la dhigay isbuucan ayaa waxa ay daba socotay ururkaas cusub ee lagu

dhawaaqay 05/30/09, magaalada Minnesota, loona bixiyey United Puntland Diaspora, kana shaqayn doona dalka dibadiisa iyo gudahiisaba. Ururkan oo ay soo abaabuleen dhalinyaro aqoonyahano ah ayna xubno ka yihiin dad siyaasiyiin ah, hooyooyin,abwaano, arday, suxufiyiin, dhaqaatiir, culimo, ciyaartoy, iyo macalimiiin. Ururkan ayaa waxa si aad ah looga soo dhaweeyey dhamaan dalka dibadiisa iyo gudahiisaba, iyadoo weliba loo balan qaaday ururka, in lagu furi doona meelo badan oo aduunka ah iyo weliba dalka gudahiisa. Hadii aad si fiican u dhuuxdo website-ka Horseedmedia.net, waxa aad ku arkeysaa sidii loogu soo dhaweeye iyo fikradhii lagu darsaneyey ururka.dsc_1536
 Haddaba, haweenka degan gobalka Minnesota ayaa xalay waxa ay soo abaabuleen Casho Sharaf ku saabsanayd taageero ay ku muujinayaan in ay hiil iyo hooba ay laga rab istaagi doonaan ururkan cusub ee United Puntland Diaspora. Cashadaas ayaa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin badan oo isigu jirey hooyooyin, macalimiin, culimo, xilkas, aqoonyahano, arday, cayaartoy, siyaasiyiin, iyo abwaano. Xafladan oo laga soo jeediyey areyo qiimo xanbaarsan iyo waano ayaa waxa daba socotay in loo tacsiyadeeyo reerkii u ka geeriyooday Burhaan Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii la majara habaabiyey ee loo direy wadanka Soomaaliya. Wiilkaas oo runtii aad looga xumaaday geeridiisii markii la soo sheegey, dhamaan dadkii halkaas isugu yimidna ay uwada duceeyeen in Alla ka waraabiyo janada. dsc_1558
Dadkii halkaas ka hadlay waxa ka hadlay Dr. Cumar oo dhaqtar ah, hadana ah mas’uul ka shaqeeya, Dean of Medicine at East Africa University, oo ka hadlay marxalada wadanka iyo dhamaan waxa loo baahan yahay in la qabto. Sidoo kale waxa halkaas ka hadlay Cusmaan Sheekh, oo u mahad celiyey hooyooyinkii iyo gabdhihii soo abaabulay cashada, iyo sida habsami la’aanta ah ee ay u taageereen ururka.
 Intaas waxa si dheeraa Abdimalik Askar, oo ka hadlay ujeedada ururka iyo sida looga faa’ideeysan doono ururka United Puntland Diaspora. Maxamed Abdi Qaac oo ah siyaasi rugcadaaya ayaa waxa uu ku dheeraaday siyaasada iyo sida looga faa’ideysan karo. Drs. Luul Xasan Laari ayaa waxa ay ku dheeraatay haweenka doorka ay siyaasada ku leeyihiin iyo sida ay uga qayb qaadan karaan, waxa kale oo luul hadalka ku dartay sida looga faa’dieysan karo aqoonyahanada da’da yar ee soo abaabulay ururkan United Puntland Diaspora. Waxa kale oo halkaas guubaabo ka soo jeedisey Abwaanad Canab Cali Shire oo ku boorisey dhalinyarada in ay faraha ka laaban siyaasada ee ay hormuud u noqdaan. Sidoo kale, Khaliif, oo runtii xubin ka ah gudi cusub oo dhawaan la magacaabay, ayaa isna hadal kooban halkaas ka soo jeediyey kuna baraarujeyey aqoonayhanada in ay dadaalkooda sii wadaan oo ay marnaba ka daalin hadafkooda. Waxa isagana hadal qiimo leh ka soo jeediyey meesha Maxamed
 dsc_15581Hussen oo loo yaqaano BBC, oo ku dheeraaday dhinca dhalinyarada iyo sida ay uga qaybqaadan karaan siyaasada. Aqoonyahan da’yar oo runtii ka mid ahaa dadkii goobjooga ka ahaa shirkii Carta ee ugu horeeyey, Abdul ayaa waxa uu ka hadlay faa’idada dhalinyarada iyo sida ay ugu faa’ideysan karaan maanta siyaasada Soomaaliya, waayo inta badan dadka hada ku jira siyaasada wadankii, waa dad u baahan in la nasiyo, waji cusubna loo furo Soomaaliya. Ugudanbeyntii, ayaa waxa isna ka hadlay Abwaan Najax oo runtii laga jecel yahay Minnesota, masraxyada siyaasada, waayo waxa uu alifay miro ku saabsan NABAD, uuna u bixiyey SOOMAALIYEY-TASHADA.
 Zakariya Aadan 

dsc_1566
Somali Media
 [email protected]

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Minnesota, Wararka Maanta.
« »

Comment: