Bartamaha(Muqdisho):-Kooxaha Burcad badeeda soomaaliya ayaa afduubtay markab ganacsi oo marayaya Xeebaha wadanka Cumaan halkaasi oo ay ka soo kaxeesteen markabkaasi ka dibna ay xeebaha soomaaliya geysteen .
Markabka Ganacsiga ayaa la la sheegay in raga afduubayaasha ah ay markii hore rasaas ku rideen ka dibna ay dusha ka fuuleen iyagoo aad u hubaysay ilaala xooganina ka haya markabkaasi.
Afduubka ka dhacay Xeebaha wadanka Cumaan iyadoo anaay jirin wax ka jawaab celiyay falkaasi ka dhacay xeebaha wadankaasi halkaasi oo aanay ka dheereen ciidamada Badda wadankaasi xiligii afduubka uu ka dhacayay.
Sargaal u hadlay Ciidamada Badda Wadanka Maraykanka ayaa sheegay in ay dhac noqotay digniin ay horey u soo saareen taasi oo ku wajahneen raga afduubayaasha ah oo waday qorshayaal ay ku aadayaan xeebaha wadamada Nabdoon si ay u soo afduubtaan maraakiibta maraysa xeebaha wadamadasi.
Â
Illaa haatan kooxaha wax afduuba ee soomaalida ah ayaa waxa ay gacanta ku hayaan ilaa 15-Markab oo uu ku jiro midka ay ka soo afduubteen xeebaha wadanka Cumaan oo la sheegay in ay keeneen xeebaha Maamulka Puntland.
Â
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.
waaw runtii waa wax lagu farxo waxaanse ka xumahay magaca ay somalida ugu yeerto mala rabin in sida ree galbeedka iyo gaalada kale camal ay u dhahaan waa burcad badeed nimankani waa Wadani badeed iskood isku xilqaamay jaanisna u siiyay kallumeysatadeenii in ay badooda ka kallumeystaan si badbaado leh