Bartamah(Muqdisho):-Madaxa Warfaafinta Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladaasi ay ku suganyihiin Xadka Soomaaliya ay la wadaagaan balse aanay gudaha u galin dalka soomaaliya oo uu tilmaamay in ay xadkooda ka ilaalinayaan kooxaha Argagaxisada ah.
Bereket Simon Madaxa Warfaafinta Dowlada Ethiopia ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya aanay xiligan diyaar u ahayn in ay galaan gudaha dalka Soomaaliya isagoo tilmaamay in Ciidamadoodu ay ku suganyihiin gobo aan u dhaweyn xuduuda ay la wadaagaan dalka soomaaliya .
Masuulkaasi ayaa si kulul u beeniyay in ciidamada Ethiopia ay ku howlanyihiin taageerida dowlada Fd soomaaliya iyo in ay diyaariyeen maleeshiyaad weerara ku qaada gudaha deegaanada ay maamulaan Islaamiyiinta.
Bereket Simon ayaa yiri: “Ciidamadeenu ma galin xiligan dalka Soomaaliya haddii aan doonayno galitanka dalkaasi Caalamka ayaan ka dalbanaynaa fasax,balse waxa ay ilaala ka hayaan deegaanada xadka dalka Itoobiya ah si aanay uga soo talaabin kooxaha Al-Qacida oo ku sugan deegaanada la jaarka ah dalkeenaâ€
Hadalkan ka soo yeeray dowlada dalka Itoobiya ayaa imaanaya xilli dhawaanaha Ciidamada Itoobiya ay wadeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay ku caawinayaan Maleeshiyaad deegaanada Hiiraan,Bakool,Bay,Gedo iyo gal-gaduud laga kala keenay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,
Muqdisho-Somalia.