Calendar

BARTAMAHA MEDIA IYO MUUQAALKA CIIDUL ADXAA NAIROBI (War-bixin iyo Sawiro Cajiib ah).

BARTAMAHA IYO CIIDABartamaha (Nairobi):- Sida aad ku arkaysaan Muuqaalada hoose waxaa Bartamaha Media Network oo isku howlay in uu kuu soo bandhigo muuqaalkii Ciidul Adxaa ee Magaalada Nairobi.

Abaara 7:30 Mirir ah ayay ahayd markii Madaxa Bartamaha Media Ee Afrika C/risaaq Yuusuf Cabdalla Kambaala iyo asxaab ay wada socdeen ay ka dhaqaaqeen Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Nairobi.

Xiliga aan ka daadagnay Dhismaha uu ku yaalo Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Afrika ayaa waxaa muuqaalkii koowaad ee aragtida farxada Ciidul Adxaa ayaa ahaa dad fara badan oo cagtooda maalaya kuwaasi oo u kala jiheesnaa wadooyinka Muhiimka si ay u gaaraan fagaarayaasha maanta lagu wada dukanayay.

Koox wariyayaal ah oo aan wadada iska helnay iyo dad aan isku cag darsanay baan wada gaarnay Fagaaraha weyn ee Eastleigh High School halkaasi oo aanu kula ciidaynay dadkii salaada ku dukanayay inagoo goobtaasi ku dukanay maanta.

Xiliga aan goobta gaaray waxa aan bilaabay in aan qalabkaygii shaqada la soo baxo sida Kaamiradii sawirka iyo qalabkii codka aan ku duubayay waxaana goobta lagu dukanayay muuqaalkeeda ahayd mid aan sheeko kooban lagu soo koobi karaynin.

Mar hadii aan sheeko kooban idinka siiyo qaabka loo nidaamiyay goobta lagu dukanayay ayaa ahayd mid Cajiib ah oo dadka ay indhaha ku doogsanayeen ,Garoonka waxa uu ahaa mid bilicdiisa ay aad u wanaagsan tahay ,dhulka ayaa ahaa mid doog Cagaaran ah,ragga iyo dumarka ayaa ka soo kala galayay Laba wado oo loo sameeyay taasi oo ay dheertahay in xad dheer loo sameeyay ragga iyo dumarka si ay ugu wada dukadaan fagaaraha.

Takbiirul Axraam ayaa dhagahayga soo gaaraysay anigoo la qaadayay Bulshada goobta ugu diyaar garoobaysay Salaada Ciidul Adxaa si aan goobta ugu wada dukano maadaama fagaaraha loo gaaray salaadaasi iyo Farxada oo la iskugu Hambalyaynayay.

Asxaabta indhahayga  qabteen inta an shaqada ku jiray waxaa ka mida ahaa rag Wariyayaal ahaa sida Maxamuud Yuusuf Idaajaa oo aan sanadii 2007-dii mar ka wada shaqeyn jirnay Idaacada IQK Muqdisho oo aan fagaaraha ku wada kulanay muddo ka dib.

Sidoo kale Muuqaalo asxaab aad iigu saraysa ayaan goobtaasi ku arkay balse waxaan sii watay shaqadayda si aan Bulshada Caalamka joogta ee Soomaaliyeed ugu soo gudbiyo Muuqaalka dhabta ah iyo Farxada looga ciiday Magaalada Nairobi.

Abaara 8:20-daqiiqa ah ayaa loo istaagay Salaada dukashadeeda fagaaraha aan ku sugnaa waxaana ii suurtagashay in aan sii guto Calamka caadiga ahaa wallow aanan ilowsanayn Camalkii iyo Salaadii aan goobta u tagay .

Allaah Mahadiis waxa aan ka mid noqday dadkii ku dukaday Fagaarahaasi Dugsiga sare ee Xaafada Soomaalida Ee Islii halkaasi oo dad Kumanaan ah aan kula dukaday fagaarahaasi oo maanta ka mid ahaa dhulkii lagu dukanayay.

Markii Salaada laga soo baxay ayaa waxaan dib u bilaabay Howshaydii Shaqo waxaana Micrphon-ka aan la dhex qaaday dad badan oo aan goobta ku wada dukanay Salaadii Ciidul Adxaa kuwaasi oo faraxdooda muujinayay.

Dadka la hadlay www.Bartamaha.Com ayaa waxa ay muujinayeen farxada Ciidul Adxaa waxaana ay qaar badan oo muuqaaladooda aad hoos uga jeedaan ay sheegayeen in ay ku faraxsan yihiin Ciida xiligan.

Qaar badan oo aan la hadalnay ayaa inoo cadeeyay in ay jeclaan lahaayeen in ay ku dukadaan dalkooda Hooyo oo Nabad ah iyadoo ku baaqay in Nabada dalkii Soomaaliya oo ay ka soo carareen laga shaqeeyo.

Caruur badan oo goobta ku ciidaysay ayaa iyana waxa ay ahaayeen kuwa ku nool Nairobi balse qudhooda ay muujiyeen in ay dalkooda jecelyihiin in ay ku ciidaan sanadaha soo aadan waa hadii uu nabad noqdo.

Dadkii aan Micrphonka la dhexqaaday ayaa waxa ay ka midaysnaayeen faraxdooda Ciidul Adxaa waxaana ay baaq guud ugu direen dhinacyada Soomaaliya isku dilaya in ay ka daayaan dhibaatada Bulshada ku hartay dalka.

Ugu danbayntii waxaa goobta fagaaraha ah aan kula kulmay asxaab aad qaali u ah oo Suxufiyiinta dibad joogta ah iyyo qaar kale oo dalka dhawaan ka timid sida Sii Hayaha Xilka Gudoomiyaha Ururka suxufiyiinta FESOJ Colaad Maxamed Xasan ” Istiila” iyo Gudoomiyaha Ururka Wariyayaasha Qaxootiga ah Maxamed C/laahi Siidii iyo rag kale oo aan Fagaaraha isugu Hambalyaynay Farxada Ciidul Adxaa.

Xiligii dadka ay u kala dareereen Xaafadahooda ayaanu ku soo dhaqaaqnay dhanka Xafiiska Bartamaha Ee Nairobi iyadoo aan wadada kula kulanay dad Ciidaya iyo kuwa aad u libisan islamarkaana Wadooyinka isku salaamaya.

Wadooyinka magaalada ayaa ahaa kuwa ciriir ah oo gawaarida ay yihiin kuwa marba dhinac isku dhaafaya sida muuqaalka Xaafada Islii wadada General Waruinge Street kaaga muuqanaysay.

Ugu danbayntii Madaxda Bartamaha Media and Olol Films Prpoductions  C/Salaan Axmed Caato,Tifaftiraha guud Wiil waal,Madaxa Bartamaha iyo Olol Films Afrika C/risaaq Yuusuf C/lla Kampala,C/qafaar Axmed Shire,Ibraahim C/lle Syfudiin iyo dhammaan Howlwadeenada BARTAMAHA MEDIA IYO OLOL FILMS waxa ay leeyihiin Bulshada Soomaaliyeed nagula Ciida Farxad Bash-bash iyo baraare

ALLOW DALKII OO NABAD AH CIIDAN CIIDEEDA KELE NAGU GAARSII.

AAMIIN……….AAMIIN………….AAMIIN.

DAAWO SAWIRADA IYO MUUQAALO CAJIIB AH:-

Wariye Kampala oo walabkiisii diyaarsanaya gudaha Xafiiska

Wariye Kampala oo walabkiisii diyaarsanaya gudaha Xafiiska

Albaabka Xafiiska Bartamaha iyo Ololfilms AfrikaAlbaabka Xafiiska Bartamaha iyo Ololfilms Afrika

Wariye Kampala iyo dhismaha Eastleigh Mall Nairobi

Wariye Kampala iyo dhismaha Eastleigh Mall Nairobi

Socdaalkii oo halkan ka bilowday

Socdaalkii oo halkan ka bilowday
Wadada loo maro Eastleigh High School

Wadada loo maro Eastleigh High School


wadada laga galo

wadada laga galo

Nidaam Ilaaliyayaasha

Nidaam Ilaaliyayaasha

Albaabka oo qaab nidaamsan ay uga kala galayeen dumarka iyo ragga

Albaabka oo qaab nidaamsan ay uga kala galayeen dumarka iyo ragga

Qalabkaygii baan la soo baxay gudaha Fagaaraha

Qalabkaygii baan la soo baxay gudaha Fagaaraha

Masha allaah Dadkii oo fadhiya iyo Sheekh hortaagan

Masha allaah Dadkii oo fadhiya iyo Sheekh hortaagan

Dadka oo sadaqo la baxaya

Dadka oo sadaqo la baxaya

Muuqaaladii qaadidooda oo aan bilaabay

Muuqaaladii qaadidooda oo aan bilaabay

Diyaar garowga Salaada

Diyaar garowga Salaada

Masha allaah dadkii oo maanta soo wada dhaqaaqay

Masha allaah dadkii oo maanta soo wada dhaqaaqay

Aabe iyo caruurtiisa

Aabe iyo caruurtiisa

Haweenkii oo Takbiirta qaadaya

Haweenkii oo Takbiirta qaadaya

Haweenka

Haweenka

Aabe iyo caruurtisa

Aabe iyo caruurtisa

Caruurta Farxadooda iyo sawirada maanta

Caruurta Farxadooda iyo sawirada maanta

bilowgii marxabaynta iyo salaanta

bilowgii marxabaynta iyo salaanta

Caruur bilicsan

Caruur bilicsan

Bartamaha

Bartamaha

Wiilka ugu da'da yaraa ee isha Kaamirada qabatay

Wiilka ugu da'da yaraa ee isha Kaamirada qabatay

xiligii shaqada

xiligii shaqada

Salaadii oo la galay

Salaadii oo la galay

Allaahu Akbar

Allaahu Akbar

Salaada Ciidul Adxaa

Salaada Ciidul Adxaa

Allaahu Akbar Dadka oo Alle u sujuudsan

Allaahu Akbar Dadka oo Alle u sujuudsan

Haweenkii oo Salaada u taagan

Haweenkii oo Salaada u taagan

Salaada iyo Haween

Salaada iyo Haween

Wariye Kampala oo waraysanaya wariye Idaajaa

Wariye Kampala oo waraysanaya wariye Idaajaa

Idaajaa oo aan waydiisay su'aal Culus hadal qosol lehna igu soo celiyay

Idaajaa oo aan waydiisay su'aal Culus hadal qosol lehna igu soo celiyay

Wiil dhalinyara ah oo rajjo ka muujiyay u noqoshada dalkii

Wiil dhalinyara ah oo rajjo ka muujiyay u noqoshada dalkii

Mid ka mida dhalinyarada Islii

Mid ka mida dhalinyarada Islii

Mid ka mida dhalinyarada Islii

Mid ka mida dhalinyarada Islii

Caruurta Ciidaysay

Caruurta Ciidaysay

Mid ka mida dhalinyarada Islii

Mid ka mida dhalinyarada Islii

Wariye Siidii,Sawir qaade Tahliil Wariye Kampala iyo rag kale

Wariye Siidii,Sawir qaade Tahliil Wariye Kampala iyo rag kale

Siidii,Kampala iyo Colaad Istiila

Siidii,Kampala iyo Colaad Istiila

Codadkii oo aan dhamaystay

Codadkii oo aan dhamaystay

Asxaabtayda xagga shaqada iyo qaar aan fagaaraha ku bartay

Asxaabtayda xagga shaqada iyo qaar aan fagaaraha ku bartay

Wariye Kampala oo ka soo dhaqaaqay fagaaraha

Wariye Kampala oo ka soo dhaqaaqay fagaaraha

Wadada ka soo baxda Machadka sare Ee Islii

Wadada ka soo baxda Machadka sare Ee Islii

Muwaalka wadada General Waruinge Street Xaafada Islii

Muqaalka Wariye C/risaaq Kambaala oo dhinac taagan wadada General Waruinge Street Xaafada Islii

C/risaaq Yuusuf Cabdalla ” Kambaala”

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika

[email protected].


Comments

comments

Category : Featured, KENYA, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: