Bartamaha(Muqdisho):-Deegaano ka mida Woqooyiga Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa si xoogan uga socda Barakicii ugu danbeeyay iyadoo dadkii daganaa xaafadahaasi ay isaga cararayaan dagalada manta ka sii daray.
Dadkii yaraa Ee ku haray Xaafadaha Sii-Sii,Arjantiin,Shibis,Suuq Bacaad,Jamhuuriya,Siinaay,iyo Boondheere oo dhammaan ka kala tirsan Degmooyinka woqooyiga Muqdisho Ee Yaaqshiid,Kaaraan,Shibis iyo Boodheere ayaa maanta waxa ay bilaabeen in ay isaga cararaan Goobaha colaadaha .
Dadka maanta isaga cararaya dagalada ayaa waxa ay yihiin dadkii ka haray barakacayaashii sida dhaqsida ah isaga baxay Muqdisho iyadoo dadka maanta cararaya ay u dulqaadan waayeen dagaalka oo isku badalay madaafiic meel walibva lagu garaacayo taasi oo dhibaatada ay gaysanayaan ay sii kordheyso.
Deegaanada laga barakacayo ayaa inta badan waxaa haatan ka socda dagaal aad u culus kaasi oo ay ka qeyb-qadanayaan Ciidamada Amisom kuwaasi oo isticmaalaya hub aad u culus oo aanay u adkaysan Karin shacabka guryahooda ku haray oo aan horey u qixin.
Wadooyinka dhanka Afgooye uga baxa Muqdisho ayaa lagu arkayaa gawaarida ay saaranyihiin Barakacayaasha kuwaasi oo alaabaha ay qaadan karaan watta isla mar’ahaantaana ay indhahaagu qabanayaan caruur,Haween iyo dad da’ah kuwaasi oo gacmaha is haysta isla mar’ahaantaana baadi goobaya goob naftooda ay ku bad-baadiyaan.
Inta badan dadkii horey Caasimada Mudisho uga barakay ee gaaray inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa la soo dersay dhibaata xagga nolosha ah iyadoo dadka qaarkood ay waayeen dhul ay dagaan maadaama aanay awood u haysan bixinta lacagaha kerada boosaska Bannaan.
Guryaha ka samaysan Jiingadaha oo inta badan ay isku dayaan in ay dagaan qoysaska ladan ayaanay u suurta galin helitaanka dhismooyinkaasi iyadoo Qolkii Jiingad ah la kireeyo wax ka badan 35$ taasi oo aanay u suurta gal ahayn ciddii xitta isku dayi karta bixinteeda .
Dhanka guryaha ka samaysan cooshadaha ayaa waxa ay yihiin kuwa aan inta badan la helin isla mar’ahaantaan qaarkood dhulalka ay barakacayaashu dagayaan la kireeyo ama looba diido ciddii aanay ehel wadaag la ahayn qofka leh booska la dagayo taasi oo ah dhibaata nololeed ka taagan Deegaanada loo barakacay Ee Duleedka Muqdisho.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.