Bartamaha(New York):-Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobe Ban-Ki Mon oo ka hadlayay xaalada dalka soomaaliya ayaa ku baaqay in si dag-dag ah loo taageero dowlada wadanka Soomaaliya .
Mr.Ban-ki Mon ayaa sheegay in dalka soomaaliya xaaladiisa ay haatan faraha ka soo baxayso isagoo ku baaqay in wadan waliba uu taageeradiisa siiyo dowlada soomaaliya.
Xoghaya Guud Ee QM ayaa sheegay in ay muhiimtahay faragalin xagga ammaanka ah oo dalka soomaaliya lagu sameeyo haddii aanay taasi dhicina ay halis ku jirto dowladnimada dalka soomaaliya oo uu sheegay in ay Qatar badan ku wajahantahay.
Mr.Mon ayaa ka codsaday Caalamka in ay taageeraan Wakiilka QM Ee Arimaha Dalka soomaaliya oo uu sheegay in xili waliba uu u taaganyahay garab siinta dowlada tageerada Aqoonsiga oo kaliya haysata Ee Dalka soomaaliya .
Hadalkan ka soo baxay Xoghayaha Guud Ee QM ayaa imaanaya xilli dowlada Fd Soomaaliya aanay wax taageera ah ka helin beesha caalamka oo ay ka codsatay in si dag-dag ah u taageeraan balse ilaa haatan aan wax jawaab ay garab ku heshay ka helin wadamada Caalamka.
Xafiisk Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.