Badbaadi Al-shabaab besadu yeyna go’ine,baladuna ha iska-socotee !!!!!Maqaal xiiso badan.
waxaa afarta jiho isqabsaday sawaxanka dadka somaliyeed ee ku dhawaaqaya in loo kordhiyo mudo hal sano oo kali ah dawlada Farmaajo say u dhammaystirto ka dulqaadida shacbiga Al-shabaab iyo si- xun-noosha gabbaadka ka dhiganaysa qalalaasaha dalka lagu hayo 20-ka sano.
Waxaa doonitaanka arrintaas ku barbar taagan shacbiga somaliyeed labada dowladood oo kaligood goostay in dhiiga qaaliga ah ee wiilashooda ay u huraan dadka somaliyeed badbaadadiisa waqti aduunka intiisa kale dhabarka u jeediyey dhibaatada somaliyeed,qaarkina kuba hawllan yahay bililiqaysa wax kasta ee laga bililiqaysan karo dalka somaliya.
waxaa dadka somaliyeed yaab iyo dhakafaar ku ah in waxa isku sheega bulshada caalamku ay dhagaha furaysanayso qaylodhaanta iyo sida dadka somaliyeed ugu jeedo xalka dhibaatadooda.
“Bulsho caalam –ku –sheegu” waxay si cad u u barbarmarayaan xalalka dadka Somali soo jedinayo waloo ay ugu celceliso si khiyaamo ah somalidu waa in ay xal u heshaa ayadu arrimaheed .
Is- hardiga waxa ay sheegayso iyo waxa ay qabanayso Bulshada caalamku wuxuu si an lexleexad lahayn u muujinaysa laba arrimood midkood ama wadajikoodaba.
Labadaa ariimood ee “bulshda caalamka”ay qabtaa midkood ama labadaba waxay yihiin yasid garashada somalida iyo/ama khiyaamo iyo hoosaasin. Ma jirto si kale oo maan gal ah oo loo macnayn karo taageerada ay siinayso inta doonaysa in la kala diro dowladan ayadoo marmarsiinyo laga dhiganayo doorasho la hubo in ay khasaare kali ah keenayso oo dhabar jabinayso hawl socotey oo la mahadiyey. Waxaa war’a an qiil loo heli Karin iyo lama filaan ah ku ah qofka somaliyeed in “bulshada caalamku” oo wakiil ka yahay kalkkan Mahiga :
1. ay la mooqif iyo afhayeen u noqoto kuwii labaatanka sano dulliga iyo dilka ku hayey shacbiga somaliyeed.
2. Dhagaha ka furaysato talada dalalka dadkoodii dhiigiisa u huray badbaadada somaliyeed.
3. Ismoogeysiiso dhawaqa isqabsaday ee dadka dhibto haysato ee sheeganaya ,rabana in ay gacan ka geystaan say uga bixi lahaayeen dhibka.
4. Dooda ay ka fogeyso ka hadalka nuxurka ay kala xambarsan yihiin doorashada iyo muddo kordhintu la isku haystaa iyo midba caaqibada laga dhaxli doono ee sida dharaartii qof kasta ee somaliyihi u arko. Yaa siiyey mahiga awooda sharci ama damiir uu ku afduubayo shacbiga somaliyeed iyo xukuumada shacbiga miidaantiisu rabto?
5. In an besha-caalam-ku-sheegu ay afka ka dhawrto oo ayna soona qaadin saamaynta kala dirka daahsoon ee looga danleeyahay doorashadu u ku yeelan doono la dagaallanka argagixisada. Miyay adag tahay in loo aqristo ujeedada ugu weyn ee kala dirka xukumadan in u yahay naf cusub ku afuufid Al-shabaab iyo waliba qabqable dagaal oo idil.? See loo wajihi dagaalka al-shabaab yaase sii wadi ? Mindhaa Qanyare, Juriile , ibbi Iyo Suudi iyo Mahiga !!!!!!! doesn’t Mahiga know the track record of these people ? haah, waa ogyahay lakiin waxaa cad in ujeedadiisu ayna ahayn xal u raadin dhibaato somaliyeed. Somali, yaan lagu mashquulin somalibaa is-haysata. Qorshuhu waa badbaadi Al-shabaab besada iyo baladuba ha socdaane .Somali waa la haystaa oo waxaa haysta dowladu cadaw ah iyo mafia adeegsanaya bulsho caalam-ku-sheeg iyo mujrimiin Somali ah oo dadka ku beer laxawsada qabiil xinjirtiisana quuta.
Shariif Aden wuxuu ku celceliyaa si-xun –u-nool badanina u jiibisaa in la dhawro dastuurka oo doorashadu ay tahay arrin dastuuri ah oo muqadas ah taasoo Mahiga-na la istaago geed walba si lacag tamash leh looga soo helo dunida.
Waxaa kooxda an ku soo qaadnay sadarrada ugu dambeeyey khiyaamo ahaan ayna sheegeen in dastuurku yahay wax dad danti u samaystay markuu dan moodana u badali karo suu u waafajiyo dantiisa. Ma aha ayado qur’aanka kariimka ka mid ah oo an waxba laga bedeli Karin. Aragtidan yaa la cuskanayey markii barlamaanka bululuq ah Jibuti loogu qiilbixinayey. Haddaba, waxaa habboon in la weydiiyo kooxdan oo u ugu horreyo Shariif Adan waxa ay markii jabuuti lagu labanlaabayey tirada Xildhibaannada (aqri Xil-ma-dhibaannada)ay u dhihi waayeen “war sidaan dastuurku ma qabo” oo ay u oggolaadeen in dastuurka wax badalkiisa in ay xildhibaano ku noqdaan. Waxaan hubnaa in dadka Somali usan u hayn wagaas labanlaabkii bululuq xiiso ka badan kay maanta u hayaan waqti u kordhinta xukuumadan oo daraf iyo dacal u arkaan mid horsed u ah badbaadadooda.
Waxaa cad in arrintu ayna shaqo ku lahayn dastuur dhawride ee ay tahay dastuurku waa loo bedbadele marba sida dantayadu tahay haddaan nahay si-xun-u-nool. somaliyeed. Dasturku waa ku jaangoáne danta shariif iyo saaxiibadi. Waxaa u egtahay in ganacsatadii waaweeneed ee qaadka, kuwii isbaarooyinka iyo kuwii qandaraasyada haraaga kiimikalisku ay ay ganacsigoodii u weeciyeen (switching) xagga ka ganacsiga dhiiga iyo dhulka somaliyeed.waa haddaan ku sii eegano.
Runtu waxay tahay in shariif Aden iyo xayn kale oo si-xun-u –nool ahi ay u argaan dadka Somali ari ayagu iska leeyihiin oo maalinba ay u geysanayaan suuqii ay danmoodaan. Waxaan u sheegaynaa Shariif Aden in asaga,Mahiga, dastuurka iyo xildhibaannada ku xiiqaya: lama yeeli karo, doorasho waa dhacaysa ,cidi ma diidi karto an midkoodna dadka somaliyeed u haysan wax xalaal ah oo ayna ka duwanayn saaxibadooda hada la jooga(dagaalogeyaaka) ee maamuli jirey isbaarrooyinka somaliya.Nin sharci ku yimid yaa sharci maamula ee waxaan ku leenayhay ha isku gudbin jidka nabada ee dadku rabo in u qaado.
Cabas C. Cabdullahi
Comments
comments