Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan aan la shaacin Muqdisho ku yeeshay iyo xildhibaano xilkooda ka waayay Baarmalanka.
Bartamaha(Muqdisho):-Kulankan oo ahaa mid aan horey loo sii shaacin ayaa maanta waxaa isugu yimid taradii Muqdisho ka joogtay Baarlamanka Dowlada Fd Soomaaliya iyo Madaxweyne shariif.
Kulanka oo madaxda Baarlamanka ay ku dhawaaqeen in ay goobjoog ahaayeen 301-Xildhibaan ayaa indhaha Suxufiyiinta  waxa ay qabanayeen tira intaasi aad uga yar .
Madasha Baarlamanka oo markii ugu horeysay muddo 3-Bilood ah ka dib Muqdisho lagu qabtay ayaa waxaa ka soo qeybgalay Maanta madaxweyne Shariif iyadoo kulankii ugu danbeeyay Madaafiic lagu kala eryay Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.
Ka dib hadal ay jeediyeen Madaxda Dowlada iyo xildhibaanada qaar ayaa waxaa halkaasi Gudoonka sare Ee Baarlamanka ay shaaciyeen in ilaa 5-Xildhibaan xubin-nimadooda laga qaaday.
Gudoomiyaha Baarlamanka soomaaliya ayaa u wakiishay mid ka mida Xildhibaanada in uu aqriyo qoraal lagu cadeynayay sababta keentay in Xildhibaanadaasi ay xubin’nimadooda waayaan.
Mudanayaasha Macagyadooda halkaasi laga sheegay in Baarlamanka laga saaray ayaa waxaa ka mid ahaa :
Xildhibaan Cabdalla Xaaji Muumin.
Xildhibaan Cali Baashi
Xildhibaan Ismaaciil Hurre Buubaa.
Xildhibaan Axmed Madoobe Islaan
Xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali
Kuwaasi oo dhammaan look ala cuskaday qodobo kala duwan oo intooda badan lagu Eedeeyay in ay khilaafeen siyaasada Dowlada Soomaaliya halka laba ka mid ahna la sheegay in ay iskood isku casileen.
Ma aha markii ugu horeysay Ee Baarlamanka Soomaaliya mudanayaal laga saaro iyadoo baarlamanka uu ku dhisan yahay 4.5 taasi oo muran uu ka yimaado xiliga la soo xulayo mudanaha lagu badalayo xildhibaanka la ereyo.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments