Alshabaab “Sheekh Atam anaga nagama tirsana… dagaalka dhacayna Alshabaab lug kuma lahan…”.
Bartamaha (Muqdisho):- Afhayeenka Siyaasada guud Ee Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in aanay wax lug ah ku lahayn dagaaladii ka dhacay Deegaanada Karin iyo Gal-gala ee Gobolka Bari.
Sheekh Cali Maxamuud Rage “Cali Dheere” Afhayeenka guud ee Siyaasada Alshabaab ayaa shaaca ka rogayb in ay ka madax banaanyihiin dagaaladii ka dhacay Deegaanada Gobolka Bari isagoo Alshabaab ka fogeeyay masuuliyada dagaalka.
Sheekh Cali Dheere waxa uu xusay in dagalaka ka dhacay Karin iyo Gal-gala uu u dhexeeyay dadka deegaanka oo diidan Howlgalada Ciidanka PIS-ta islamarkaana bvilaabay Kacdoonka ka dhanka ah Ciidankaasi la dagaalanka Argagixisada.
“Sheekh Atam anaga nagama tirsana balse waan wadaagi karnaa Kifirka oo kaliya… Alshabaab  dagaalka dhacayna wax lug ah kuma lahan waxa uuna u dhexeeyay PIS-ta iyo Shacab kacdoon sameeyay  balse  Alshabaab lug kuma lahan dagaalkaasi…” ayuu yiri Cali dheere.
Afhayeenka ayaa waxa uu cadeeyay in ay taageersanyihiin Kacdoon wax uu ku sheegay oo ay wadaan Ciidan is abaabulay oo ka soo jeeda Puntland isagoo meesha ka saaray in dagaalkaasi ay ku lug leeyihiin Kooxda Alshabaab.
Hadalka Cali Dheere ayaa waxa uu burinayaa war uu horay u soo saaray Sheekh Atam oo sheegay in uu ka mid yahay Alshabaab islamarkaana uu Fulinayo afkaarta ku dhaqanka Shareecada Islaamka isagoo shacabka Reer Puntland ka dalbaday dagaalka oo la sii huriyo.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Kala xiriir:-
.
.
Comments
comments