Alshabaab oo Eedeysay Amisom.
Bartamaha(Muqdisho):-Kooxda Alshabaab ayaa Eedeyn culus u jeedisay Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali dheere oo saxaafada war siinayay ayaa shaaca ka qaaday in shacabka lagu laynayo Madaafiic masuulna ka tahay Amisom.
Afayeenka Al-Shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa xusay in Amisom ay garaaceen shalay goobo Nabad ah oo ka mida Magaalada Muqdisho halkaasi oo shacab badan ay ku laayeen.
Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Shacabka dagan Magaalada six un shalay loo garaacay taasina ay masuuliyadeeda qaadayaan Kooxaha keenay AMisom gudaha Dalka.
Shalay waxaa si aad ah loo garaacay Deegaanada Gubta,Dayniile iyo Suuqa Xoolaha oo ay ku badanyihiin shacabka isaga fogaaday deegaanada dagaalada ka socdaan wallow ay ku yaalaan Xeryo Mlitari oo ay leeyihiin Maleeshiyaadka Mucaaradka.
Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Alshabaab ayaa balan ku qaaday in dhawaan ay talaab cad ka qaadayaan saldhigyada ay leeyihiin Amisom iyo Dowlada.
Hadalka Alshabaab ka soo yeeray ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho ay madaafiic isku dhaafsadaan Alshabaab,Xizbul Islaam oo dhinac ah iyo Amisom iyo Dowlada oo dhanka kala ah kuwaasi oo dhammaan shacabka aan masuuliyad iska saarin.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi-Kenya
Comments
comments