Calendar

Ahlu Sanni Waljamci (MAQAAL)

nuradinQoraalkan waxaa soo diyaariyay, Maskaxdiisana ay kasoo maaxatey Nuradin Askar oo degan magaalada London/UK 

Xorriyadu waa asaaska cilmiga iyo akhlaaqda, cilmigana waxaa asaas u ah, kala duwanaanshaha aragtida ruuxu uu ka qabo muuqaalada nolosha iyo sida uu ku fasirayo. Taasi micneheedu waa, in dadku xor u yihiin in ay siyaabo kaladuwan wax isu tusaan malo’awaallo kala duwanna malo’awaalaan. Hadaba hadii malo’awaalladan lamideeyo, waxaan suurtagal noqoneyn/mustaxiil ah  in cilmigu horumar sameeyo. Sidoo kale waxaan suugal aheyn in isku dayga gafka ka dhacay cilmi baadhaha/mujtahidka islaamku ka afar siiyay iskudaygiisa/ijtihaadkiisa gafka ah, in iyaduna meesha ka baxeyso hadii xorriyad aqooneed lawaayo. Hadaba shardiga horumarka cilmigu waa helitaanka xorriyad ku dhiiri galineysa qofka “Baaranaya/baranaya” wax soosaarka dhanka aqoonta iyo kordhinteeda.

Iyadoo ay sidaa tahay, xaalka maanta muslimiinta iyo Soomaaliya ka taagan wuxuu inoo muujinayaa, in ka hadlida dhibaatooyinka aqoon la’aanta diiniga ah iyo mida aduunkaba, ay isu rogeen hadaf afka baarkiisa ah, halkii si ficil ah aan ugu muujin laheyn waxa aan ka gilgilaneyno. Hadii waxa aan ka qeylineyno ay tahay ku celcelin hadaladii iyo wixii waayo hore laqoray ama layidhi, waxay isweydiintu tahay, maanta inaga dhexdeenna majiraa ficil ahaan wax ku muujiyay curin iyo wax soosaar aqooneed oo diini ah ama aduunyo ah? Hadii taqliidku/hiyi raacu sabab u yahay xagjirnimada diinta iyo midda siyaasada, iyadoo sababaha keena ay yihiin aqoon iyo aragti gaaban oo laga bixiyo muuqaalada nolosheena xidhiidhka la leh, xilligan innaga dhexdeena majiraan curiye maskax maal ah oo si xeel dheernimo ku jirto usoo bandhigi kara aqoon faahfaahsan, dheelli tiran, curin kamuuqato oo muuqaallada/phenomenon nolosha Soomaalida wax inooga ifiya?

Hadda wixii karreeyay waxaan haynay waa catow/baroor iyo is qashin saar dhanka caadifada ah iyo in lagu kaaftoomay sheegsheegid oo qudha, halkii dhibaatada dhanka diinta iyo aduunyada inaga haysata toos looga abbaari lahaa! Sidaa owgeed, maqaalkan kooban waxaan ku qaadaa dhigi doonaa cinwaanka kore oo ku doodi doono, in “Sunnada iyo Jamaacadu” tahay wax ama micno kaduwan sida Soomaalida iyo muslimiinta maanta nool ay ka qabaan/ka aaminsan yihiin weedhan iyo ujeedada ka dambeysa.

Ahlu Sanni Waljamci

Luqadda carabiga ereyga Sunno waa waddo, ereyga jamaaca waa kulan dad ah. Balse maadaama ereygan micno diini ah uu xambaarsan yahay aan fiirinno sida looyaqaan muslimiinta dhexdooda. Sunno waxaa layidhaahdaa wixii uu sugay nabi Muxammed (NNKH) oo hadal iyo ficilba ah oo isugu jira; akhlaaq, raxmad, xoriyad, cadaalad, wacyi-garsho xambaarsan iyo hogaan hufan. Hadii si kale loo dhigo, nabigu wuu jideeyay wuuna jamciyay. Wadada aad jeexeyso hadii dadku ay ku kulmi waayaan dhibbaa wadada ka jirtee iska fiiri qof walbow!

Hadaba halka/meesha ku dayasha mudan ayaa waxa ay tahay, ficilka ee ma aha midhihii ka dhashay ficilkaas, maxaayeeelay midhihu waa wax soosaarkii ficilkuna waa dadaaalkii lagu soosaaray. Tusaale ahaan kitaabadii laqoray qarniyo hore waa midhihii dadaalka raadinta aqoonta, ficilka raadintuna waa ijtihaadkii dhalay kutubadaan qoran In waxa aan jideyno ay dadka jamciyaan/kulmiyaa ayuu ruuxu ku noqon karaa (Ahlu Sanni Waljamci) ee majiraan wax layidhaahdo “Ahlu sunna Waljamaaca” sida aabaha loogu nasab sheegto oo afka baarkiisa ah! Hadii ficilka wax soosaarka aqoonta diiniga ah lagusoo koobo taqliid/hiyi raacnimo, iska dul yuurur hadaladii xilliyo/waayo hore laqoray oo midhohoodii lacunay, waxaa halkaas ka cad, caajiska umaddan ka haysta curinta iyo wax soosaarka aqoon cusub oo ka tarjameysa noloshooda xaadirka ah iyo dhibaatooyinka haysta sidii looga tallaabi lahaa!

Gacmo hoorsashada raashinka lacuno/dawarsiga baahi owgeed waxaa kadaran/kaxun indha hoorsashada aqoon baali/duug ah oo dhimatay in aad ku daasho jahli owgiis. Waxbana isma doorshaan kii cuna raashin lasoo qubay/daadiyay qashinka dhexdiisa iyo kan dhabarka u ritay/sooxaabsada kutubo aqoontoodii laga baxay oo dhacday/expired dhanka dabaqaadda nolosha dhexdeeda. Labadan dawarsiba/tuugsasho (Aqoon iyo Cunto) waxay keenaan caafimaad xumo diini ah iyo mid aduunyo ah!. Midda hore waxay ka hor istaageysaa ruuxa in uu soosaarto wax uu cuno marka uu ku kaaftoomo dawarsi/tuugsasho iyo in qashinka uu raashin ka raadsado/kacuno, tan kalana waxay keeneysaa in halkii qofku wax soosaar iyo curin aqooneed waxkhti fiican iyo dadaal ku bixin lahaa inuu cajalado iyo luuqluuqyada iyo godad dhulka hoostiisa ah wad-aad la fadhiya kitaabo aqoon dhacday/expired ah kalasoo dhexboxo ka qaraabto/luflufto!

Hadaba sababaha keena in bulshadu dhimato waxaa kow ka ah kali talisnimada iyo amar kutaagleynta dhanka diinta iyo siyaasada, oo marka ruuxa bani’aadamka ahi waayo xorriyad uu ku kasban karo wax uu cuno iyo aqoon, waxaa umadda ka dhinta caqligii aqoon lagu kasbi lahaa iyo shaqadii dhaqaale lagu kasbi lahaa. Taariikhda islaamkuna kali talisnimada dhanka siyaasada waa midda keentay  (Khuruuka) khawaarijta oo tusaale fiican ka ah fallaaganimo siyaasadeed tii islaamka ugu horreysay iyo (Ictizaalka) muctazilada oo tusaale fiican u ah fallaaganimada dhanka caqliga iyo aqoonta oo ka dhalatay kali talisnimo dhanka xorriyada fikfirka ah!

Ahlu Sanni Waljamci marka waxaa la’odhan/dhihi karaa, waa jideynta iyo jamcinta/isu keenida muslimiita oo ka fog (Khuruuj iyo Ictizaal) kabixid dhanka siyaasada iyo ka  dheeraansho dhanka aqoonta laga dhexboxo ama laga dheeraado muslimiinta indeeta kale! Markasta oo xorriyada ruuxa insaanka ahi ay wiiqanto, waxwalba oo nolosha kamid ahi way wiiqmaan! Tusaale ahaan, marka siyaasada lagu kasbado cudud milatari diintana cudud milatari, labaduba waxay keenaan kali talisnimo disha/qudha ka goysa siyaasada iyo diinta labadaba! Hadaba noloshii qofka bani’aadamka ahaa ee ku xidhneyd labadan, waxaa isna soo foodsaarta geeri meel looga baxsan karaayi aan loo heli karin!

Waxa nolosha Soomaalida iyo muslimiita ka dhigay ismiidaaminta dhan kasta ah; ha ahaato ismiidaamin dhanka diinta ah, is qarxin dhanka siyaasada iyo bulshada ah, ama isqarxin dhanka caqliga iyo aqoonta ah, waxaa lagu saleyn karaa jawiga cabudhiska iyo xorriyad la’aanta ka dhigtay ruuxa in uu waayo meel uu ku neefsado/nafiso oo uu ku cabiro waxa uu goconayo iyo cid uga garowda in aanu haysanin! Bulshada Soomaaliyeed ismiidaaminta waxay u haystaan ruux waxyaabaha qarxa isku soo xidhay oo kali ah, balse waxay hilmaameen/illowsan yihiin jawiga ku hareereysan ee gabi ahaantiisba ruux kasta oo inaga mid ah ku xidhaya waxyaabaha qarxa oo kasmeysan siyaasad xagjir ah/qabiil/qabyaalad, diin xagjir ah iyo caadooyin duug/baali ah oo xagjir ah. Kuwaasi dhammaantood waxay qofka Soomaaliga ah ku tarbiyadeyneysaa is qarxin noocwalba ah oo dhaawacaya wadajirka iyo midnimada dadka Soomaalida ah! Waxay hoos u dhac ku keeneysaa heerka insaaniyadeenna iyo dadnimadeena!

Waxyaabahan qarxa oo bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda laga suuliyaayi/laga aruuruiyaayi waxay ruuxa Soomaaliga ha ka dhigeysaa (XAQJIR) halkii uu ka ahaa (XAGJIR) ilaaliya oo raadiya wanaagga oo qudha/bes! Marka ruuxa bani’aadamka latilmaamayo waxaa lagu soo koobaa inuu isugu jiro/kakooban yahay; jiritaan, nolol, awood, caqli iyo kala doorasho, oo dhammaantood u taagan ka dhabeynta gaadhista wanaagga iyo farxada nolosha uu doonayo in uu ku naaloodo inta uu noolyahay.

Qore Nuradin Askar

London/UK

Comments

comments

Category : Maqaallo / Articles.
« »

Comment: