Agaasimihii idaacada Shabeele oo oo galabta lagu aasay qabuuro ku yaala deegaanka Lafoole Ee Gobolka Sh/Hoose.
Bartamaha(Muqdisho):-Galabta galinkii danbe ayaa aaska allaha u Naxariistee Agaasimihii idaacada Shabeele Mukhtaar M.Hiraabe waxa uu ka dhacay Qabuuro ku yaala deegaanka Lafoole Ee Gobalka Sh/Hoose.
Aaska Agaasimihii idaacada Shabeele Mukhtaar Maxmed Hiraabe ayaa waxaa ka qeybgalay asaabtiisii Xagga Saxaafada iyo ehelada Marxuumka kuwaasi oo intooda badan ahaa dad ay ka muuqatay tiiraanyada geerida ku timid Mukhtaar Hiraabe.
Allaah ha u naxariistee Mukhtaar Maxmed Hiraabe waxa uu ku geeriyooday isagoo jira Da’da 48-Sanadooda waxa uuna ifka kaga tagay 2-Laba Xaas Iyo 5-Caruur ah oo laba ka mid ah ay ahaayeen Wiilal halka inta kalana ay Gabdho ahaayeen.
Dhammaan Suxufiyiintii ka qeybgashay aaska ayaa waxaa ka muuqatay Niyad jab la xiriirta xagga noloshooda iyo Howlaha ay bulshada soomaaliyeed u hayaan kuwaasi oo qaar ka mida ah ay go’aansadeen in ay gabi ahaanba isaga fariistaan shaqada ay ka hayaan warbaahinta qeybeheeda kala duwan ee dalka soomaaliya ka shaqeysa.
Sanadan oo kaliya waxaa dilal bareer ah look ala geestay Xasan Mayow Xasan oo lagu daahfuray xadgudubyada sanadan ee bahda Saxaafada kaasi oo ay Afgooye ku toogteen rag hubaysan 01/01/2009,Waxaana muddo bil ah ka dib 04/02/09 la dilay agaasimihii idaacada Horn Afric Siciid Tahliil Axmed kaasi oo xiligaasi ay wada socdeen Agaasmiha Maanta la dilay waxaana sidoo kale 23-kii bishan dagaalkii ka dhacay caasimada ku geeriyooday C/risaaq Warsame Gaadaco kaasi oo la helay iyadoo madaxa rasaasi kaga taalo.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com.
Muqdisho-Somalia
Comments
comments