Bartamaha(Muqdisho):-Sheekh Cali Maxmuud Raage (Cali Dheere) Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa shaaca ka qaaday in ninka dowlada ay dishay uu yahay nin Xamar Weyne ay ka soo qabsadeen.
Afhayeenka Xarakada Alshabaab ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay dileen nin ay kala soo baxeen guryaha Degamada X/Weyne halkaasi oo ay maalma badan qorsheynayeen in falkaasi ay ku dhaqaaqaan.
Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in dhammaan raga ka bar-bar dagaalamaya Ee Muhaajiriinta ah ay nabada qabaan isla mar’ahaanataana aanay jirin wax waxyeela ah oo gaartay isagoo sheegay in Xoogaga Alshabaab ay ka warqabaan Cadadka Ciidadooda.
“Ninkaasi waxa ay ka soo qabsadeen X/weyne waana Nin Soomaali ah balse iyagaa ku fashilmi doona maadaama ay mar waliba beenta ku abuurtaan shacabka Soomaaliyeed,hadalkan waxa ka keenaya waa in Awoodooda uu Allssh wiiqayâ€ayuu yiri Afhayeenla Xarakatul Alshabaab.
Sheekh Cali Dheere ayaa dhanka kale si kulul u beeniyay in Xarakada Alshabaab kala direen ilaaladii Suuqa Bakaaraha isagoo sheegay in Kooxdooda aanay wax fara gal;in ah ku samaynin suuqyada ganacsiga dalka .
Hadalkan ka so baxay Afhayeenka Alshabaab ayaa ku soo aaday xilli shalay Muqdisho lagu soo bandhigay Maydka nin ajnabi dowlada ay ku sheegtay kaasi oo ay sheegtay in ay ku dishay dagaalkii Muqdisho ka dhacay.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.