Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa beeniyay warbixinno ay qoreen qaar kamid ah Warbaahinta Soomaaliya iyo Wakaalada Caalamka.
 Warbixintaas oo ku aadanayd in Kismaayo lasoo gaarsiiyay labadii nin ee u dhashay Dalka Faransiiska oo 14kii bishaan laga afduubay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, Islamarkaasina ay afduubeen Xoogaga Islaamiyiinta ah ee kasoo horjeeda Siyaasadda Dowladda KMG ah iyo Joogitaanka Ciidamada Shisheeye ee Dalka Soomaaliya.
 Haseyeeshee Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa amuurtaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn islamarkaasina ay jiraan Gobollo kale oo ay Xoogaga Islaamiyiinta ah ay gacanta ku hayaan kana dhow Magaalada Kismaayo oo la geyn karo Ragaasi, balse aysan haatan jirin baahi weyn oo loo qabo in ragaasi u dhashay Dalka Faransiiska lakeeno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
 Waxaana uu shiiqu sheegay in Marnaba Ragaasi aan lasoo gaarsiin guud ahaan Gobollada Jubooyinka.
Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ugu danbeyn eeda uu dusha kaga Tuuray qaar kamid ah Warbaahinta oo uu sheegay in ay been abuur sheegeen islamarkaasina ay faafiyeen Warar aan sal iyo raad lahayn.
 Iskusoo wada Duuboo Hadalkani kasoo yeeray Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa waxa uu ku soo beegmayaa Xilli Saacadihii aynu soo dhaafnay ay saxaafadda Caalamku qoreysay in labadii nin ee u dhashay Dalka Faransiiska la geeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
Â
Â
Kala Soco Warar Xaqiiq ah www.Bartamaha.com
Â
Ismaaciil Cali Cabdi Bartamaha Kismayo-Somalia
E-mail: