Afhayeenka ciidamada booliska Dowlada Fd Soomaaliya oo ka warbixiyay howlgalo ay ka sameeyeen askartooda Degmooyinka Xamar-Jajab iyo Waabari Ee Muqdisho.

Posted on Jul 7 2009 - 9:24am by News Desk
Tweet
Pin It

bariseBartamaha(Muqdisho):-Col. C/laahi Xasan Bariise oo ah afhayeenka Ciidamada Booliiska Dowlada Fd Soomaaliya ayaa sheegay in howl-gal ay ciidamadooda ka sameeyeen Muqdisho ay ku soo qab-qabteen dhalinyaro ka mid ahayd mucaaradka kuwaasi oo ammaan daro ka waday Degaanada Waabari iyo Xamar Jajab.

Bariise afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in ragga ay ku soo qabteen howlgalkooda ay ahaayeen kuwa qas ka waday qeybo ka mida Muqdisho isla mar’ahaantaana ay dadka Deegaanka farta ku fiiqeen sidaana Ciidamadooda ay gacanta ugu soo dhigeen .

Col.Bariise ayaa intaasi ku daray in ay howlgalkooda ka sameeyeen Xaafado ka mida degmooyinka X/Jajab iyo Waabiri halkaasi oo dhawaanahan ay ka taagnaayeen ammaan darro baahsan isla mar’ahaantaana uu sheegay in ay ku soo bateen kooxaha dhacca iyo baarashada geysta oo ay bar-bar socdaan islamiyiinta miinooyinka dhiga sida uu sheegay.

C/laahi Xasan Bariise ayaa sheegay in howlgalkii shalay ay ciidamadooda ka sameeyeen Xaafadaha Degmooyinkaasi uu qeyb ka ahaa howlgalo la faray Ciidamada Dowlada in ay ka sameeyaan goobaha looga shakiyo in ay soo galeen kooxaha Mucaaradka isla markaasina cidii lagu qabtaa maxkamad la soo taagayo.

Howlgalkii shalay ayaa waxa uu ahaa midkii ugu balaarnaa ee Ciidamada Dowlada ay ka sameeyaan Magaalada Muqdisho tan iyo markii dowlada madaxweyne shariif ay Muqdisho soo gaartay iyadoo u howlgalkan bil,owday ka dib Go’aankii Marshal Lowga ahaa ee madaxweynaha saxiixay taasi oo Ciidamada dowlada Fulinteda ka dhigeen dil-ka bareerka ah iyo baarshada guryaha laga qaxay iyo xarigga dhaliyarada yar-yar oo lagu eedeyo in ay Alshabaab yihiin.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.