3-DA DISEEMBER, MAALIN UTINTEEDA AAN LA ILOOBI DOONIN!! Qalinka Abuukar Albadri
Stockholm – 3-dii December ee sanadkii hore ayey aheyd markii hotelka shaamo ee magaalada Muqdisho lagu xasuuqay arday, waalidiintoodii, macalimiintoodii, weriyeyaal iyo masuuliyiin.
Xasuuqa waxaa la sheegay inuu geystay nin naftiisii u huray Janno doonis darteed, kana dhex doonay inuu dilo in ka badan 70 qofood oo marka laga reebo afar wasiir oo dowladda ka tirsaneyd intooda kale ahaa biri mageydo isugu jirtay waalidiin, macalimiint, dhaqaatiir, arday iyo saxafiyiin.
Waa urugo, waana alhumo xanuun leh in ardaydaasi la laayey maalintii farxadooda ee ay sugayeen muddo lix sanadood ah. Waalidiintii soo tabcay iyo macalimiintooda oo doonayey inay farxaddaasi la wadaagaanna waa lala xasuuqay.
Waxay xukunkaasi dilka naxdinta leh ee arxan darrada ahaa ku muteysteen inay xafladooda ku soo casuumeen oo ay ka soo qeyb galayeen dhawr masuul oo ka tirsanaa Dowladda KMG-ka ah kuwaas oo kala ahaa Ibraahim Xasan Caddow, Axmed C/Laahi Waayeel, Qamar Aadan Cali iyo Suleymaan Colaad Rooble oo dhammaantoodba wasiiro ka ahaa dowladda KMG-ka ah Rabbi ha u naxariistee.
Maalin farxadeed oo ummadda Soomaaliyeed uu u dhalan lahaa gool caalami ah ayaa waxay isu bedeshay maalin gudduudan oo daruuro xinjiro ah u da’een ummadda Soomaaliyeed. Fal damiirka dadka oo dhami dooriyey ayaana dhacay. Inuu geysto nin janno doon ahaa ayaaba ugu sii darneyd. Allaah baa iga og, balse shiishkaasi mid lala gefay ayuu u eg yahay.
Inkastoo xasuuqani uu soo jiitay carro daran, habaar, oohin iyo qaylo dhaan tiro badan, kama uusan badneyn murugo hareysay shacabka. Waayo dhiigii baxay kama dhalan inuu xal u noqdo intii ka dambeysay oo shacabka wax gadood ah kama uusan sameyn arrinkaasi.
Ragii sameeyey qaraxa kama garaabin oo kama aysan bixin wax raalli gelin ah, walow aysan cidina sheegan oo sheegasho la’aantaba loo arki karo ka garaabid ay gareystay ciddii sameysay inuu ahaa hawlgal lagu qaldamay.
Isla maalintiiba anigoo sas iyo walbahaar i hayo ayaan qoray qormo aan cinwaan uga dhigay SHUMAHADII SHAAMO taas oo inta badan ay dadka iiga soo jawaabay ii soo duceyeen. Balse la iima wada duceynine waxaan helay fariimo ii sheegaya inaan riddoobay oo aan diintaba ka baxay maadaama aan xasuuqaasi ku sifeeyey mid qaldanaa dadkii ku dhintayna ku sifeeyey shuhado.
Cidda fariimahaasi ii soo dirtay iima aysan soo sheegin magaceeda iyo kooxda ay ka socoto keliya waxay ii soo direen fariimo la soo marsiiyey emailo aan magac ku qorneyn balse ku sameysan ereyo la soo gaagaabiyey. Waxaanse u sheegay inaan Muslim u ahaa inaan Allaah ugu dhowaado, maqaal aan qorayna uusan diin iga saareyn.
Waxa kaliya ee raad ahaan looga hayo falcelintii xasuuqii Hotel Shaamo waa jawaab ay fanaaniin Soomaaliyeed oo uu hor kacayo fanaanka Cabdi Shire Jaamac Jooqle ay ka bixiyeen. Waxay soo saareen hees ay ugu magac dareen qaylo dhaan oo ay ku cabireen dareenkooda ku aadan wixii lagula kacay ardaydii xafaladda qalin jebinta Shaamo ku dhiganeysay ee la laayey.
Xanuunkii ka dhashay xasuuqii Shaamo maalmo cambaareyn ah kaddib wuxuu la gooniyoobay reerihii ardaydii ay u hanweynaayeen laga xasuuqay. Waalidiin ilmihii ay ku soo tabceen rafaadka laga dilay ayaa saskii ku tagay oo weli miyir la, haween ragoodii la dilay ayaa agoontii la diifeysan, ilmihii aabayaashoodii ay u han weynaayeen laga dilay ayaa diifta agoonimo iyo daruufta Muqdisho miranaya, dhammaanna wax cadaalad ah ma helin, haatanna uma han hayaan.
Waa Imtixaan iyo Alhumo is biirsaday oo aan ciddii geysatayna ka garaabeyn. Qofkii erey ka yiraahdana diintii ayaaba laga saarayaa sida urur. Taasina ayaan darrooyinka maanta na heysta ayey ka mid tahay.
Aniga sanad ka hor markii uu qaraxaasi dhacay waxaan eeda dhibaatadda haatan Soomaaliya ka dheceysa dusha ka saaray Culumada Soomaaliyeed oo aan u arko inay doorkoodii ka gaabiyeen.
Weli waxaan taaganahay mowqifkeygii, waayo sanad kaddib weli ma heyno shir ay culumada Soomaaliyeed ka yeesheen arrinta Soomaaliya oo ay ka soo saareen mowqif diini ah oo Fatwo ah.
Culumada, qaar baa ku doodaya inay mowqifkooda u caddeeyeen si shaqsi ah, laakiin doorka maqani waa kan ay u mideysan yihiin culumada guud ahaan kuwa aan dagaalka ku lugta laheyn. Kuwa mowqifkooda caddeeyey kuma filna inay kala saaraan kooxaha dagaalamaya.
Waayo fatwo ay culumada u dhan yihiin waxay shacabka u caddeyn laheyd cidda qaldan iyo tan saxan.
Muqdisho xilligan waa magaalo cabsi, waa magaalo hubaal la’aan ah, waa magaalo u marti ah madfaca AMISOM iyo masaakiin leysyo kale oo badan. Muqdisho waxay la mid noqotay qabri, waayo marka qabriga lagaaga sheekeyo waxaa kugu beermeysa cabsi, waa meel welwel badan, Muqdishona waa sidoo kale, malagii dadka Su’aalaha weyndiin lahaa uun baa ka maqan.
Ma jirto cid biri ma geydo ah, haddii agoon 10 jirka ah dhiigiisa uu danta dowladda ama midda jihaadiyiinta galo midina u turi meyso oo waa loo dilayaa canugaasi si dantaas loo gaaro. Hooyo uur leh, waayeel iyo cuuryaan warkooda daa oo dhamaantood waa hambada madfaca AMISOM bistoolada rag indho duuban.
Qof walba waa dil suge, mana garanayo cidda ku xukuntay, sababta loogu xukumay, xilliga la xukumay iyo cidda dili doonta. Balse marka ay ku bilowdaan xabadaha lagu dilayo ee noloshiisa ay ka harsan tahay wax ka yar daqiiqad ayuu ogaadaa inuu dembiile ahaa oo la dilayo.
Magaalo sidaas ah dadka ku nooli oo dhami ay baqdin ku joog yihiin ayey ardaydii Shaamo lagu xasuuqay wax ku soo barteen. Hubanti geesiyaal ayey ahaayeen. Waxayna mudan yihiin in taariikhda lagu qoro oo wax barashada Soomaaliya magacyadooda iyo taariikhdooda lagu daro.
Baqdinta maanta dadka lagu hayo inta ay doonto ha gaartee way hari doontaa. Koox kastana way tageysaa oo wixii xume ay geysato iyo wanaaga ay sameyso ayaa lagu xasuusan doonaa. Cidda maanta keliya eegeysay ee horteeda iyo gadaasheeda midiba aan u muuqaney tagtida waa macalinka ku baraya timaadaduba, waa inaad wax ku qaadataan.
Waxaan doonayaa inaan xuso dhawr arrin oo muhiim ah inta aan sheegin sababta ay arrinta Shaamo u tahay utin aan la ilaabi Karin.
1. Dalkan waxaa soo maray Kacaan aad u xoog weyn, wixii uu geystay iyo cadaadis kasta oo uu sameeyey wuxuu dalka xukumayey 21 sanadood, wuuna tagay.
2. Waxaa hana qaadeen jabhado awood is biday oo kacaankii ka dib xasuuq iyo dhibaateyn dadka u geystay, iyagiina way tageen oo midi kama noola maanta.
3. Waxaa soo sameysmay urur diimeedyo, maxkamado iyo Kooxo dagaal oogayaal hogaamiyaan, gebigoodna way tageen walow ay sanado dadka ciqaabeen.
Hadeertan cidda aaminsan inay shaqeyneyso cabsi dadka lagu beero taasi waa fikir qaldan. Waxaa ka wanaagsan in si ka duwan loo fikiro oo dadka inta la baqdin gelin lahaa la kasbado. Waxaan hubaa inaysan shacabka xukumi doonin koox xoog ku qabsatay, haddii ay yeelayaan taas horey ayey u yeeli lahaayeen.
Laakiin xook shacabka way heysan kartaa inta ay doonto, xitaa ha ahaato 21 sano oo kale, shacabku way xuroobi doonaa. Kuwo ay wataan dowlado shisheeye, kooxo sirdoon ah oo dhiigyo cab ah, iyo ururo diimeed dhiiga shacabka xil ku goobaya midna ma xukumi doono dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaa xukumi doona hogaamiye ay iyaga doorteen ayna raalli isaga yihiin. Rajadaasi weligey igama dhimaneyso, balse anigaa dhimanaya.
Haddii aan sheego sababta Xasuuqii Shaamo Hoteel uu u yahay utin aan la ilaabeyn.
1. Waxaa la laayey waa arday, ardayduse kala ehe, waa kuwo waalidkood ay aad ugu soo tiir iyo tacab beeleen xilli aad u xun oo amnigu uu yahay nolosha barkeed, shacabkuna waxay u hayeen han weyn oo ah inay u adeegaan.
2. Ardaydaasi waxay ahaayeen dhaqaatiir, waana dhaqaatiirtii ugu horeysay ee 20 sano dalkan u soo baxda, waxay ahaayeen rajo ay shacabka oo dhami sugayeen, daruuftii lagu soo wax barayna u dheer tahay.
3. Waxaa la laayey maalintii farxadooda, waxay aheyd maalin ay ummadda rajo dareemi laheyd, waxay aheyd maalin dunida ay Soomaaliya la yaabi laheyd inay dhaqaatiir ka soo baxayaan Jaamacado, laakiin iftiinkoodiibaa la damiyey.
4. Dilkooda wuxuu dhaliyey inay agoomoobaan caruur badan oo filanayey inay waalidiintood shaqeyn doonaan oo noloshooda is bedelayso.
5. Waxaa asaay loo saaray haween badan oo ardayda qalin jebineysay u dhaxday oo rafaadkaas ay wax ku baranayeen ugu sabrayey si marka ay dhameeyaan ee ay shaqeeyaan ugu nastaan.
6. Waxaa la laayey waalidiintii soo tacbay dhaqaatiirtaasi da’da yaraa ee rafaadka lagu soo wax baray, iyo macalimiintii u bareeray inay wax baraayn iyagoo shaqo ka heli karay dalal shisheeye.
7. Waxaa shacabka la tusay inaysan biri mageydo laheyd.
Intuba waxay na dareensiinayaan inaanan ilaabi karin utintaasi, awood darro ayaa noo geyneysa inaana ciqaabi karin kuwa falkaasi ka dambeeyey. Allaah ayaase taladu hor taalaa oo gartaasi goynaya.
Haatan diintii iyo cadaaladdii waa la afduubay, iyaga ayaaba u baahan in la xureeyo marka hore, waayo nin walba wixii uu istiinkiisa siiyo intuu sameeyo ayuu leeyahay Janno ayaan ku doonayaa, haddii aad hadashidna wuxuu ku leeyahay diintiiba waad ka baxday, meel ka sokeysa ma leh, marka diinta iyo caddaaladda iyagaa u baahan in la xureeyo.
Ugu dambeyntii, Shuhadadii Shaamo Hotel Qabrigooda Nuur iyo Naruuro Eebahay ha ku siiyo, Qasri waasac ah oo Janadda ku abbaaran Allaah ha uga yeelo, Qiyaamahana janaddii firdowsa iyo Nabi Muxammad aktiisa ha geeyo, anagana gadaashood Allaah nama fidneeyo, kuwo dhiigooda hilmaamayna Ilaah nagama dhigo.
Aamiin.
Wixii falcelin ah ku soo hagaaji
Comments
comments